DAAWO;-Ugaas Cabdirasaaq Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay In Ganacsato Waawayn Lagu Wareejiyo Shaqadii Muruq Maalka Wajaale Iyo Fariinta Uu Udiray Madaxwayne Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Ugaas Cabdirasaaq Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay In Ganacsato Waawayn Lagu Wareejiyo Shaqadii Muruq Maalka Wajaale Iyo Fariinta Uu Udiray Madaxwayne Biixi.
January 6, 2021 - Written by Editor:

“Madaxwayne Shacabkii Ku Doortay Ee Reer Wajaale, Waxay Kaa Sugayeen In Aad Wax Uqabato, Balse Kaamay filayn In Muruq maalkii Ganacsato  Ku Qabsato Shaqadooodii”Ugaas cabdirasaaq.

HARGAYSA(W,N)-Ugaas Cabdirasaaq Koosaar Cali oo kamid ah Madaxdhaqameedka Somaliland Gaar ahaan  Gobolka gabiley ayaa si adag uga hadlay shirkado doonaya in ay la wareegaan shaqada muruqmaalka wajaale iyo gaadiidlayda ee khudaarta laga keeno dalka itoobiya oo ay ku shaqo waayayaan boqolaal qoys.

Sidoo kale Ugaas cabdirasaaq ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay in uu deg deg uga jawaabo cabashada kazoo yeedhaysa dadkii doortay ee ka filayay waxqabadka balse aan ka filayn in lagu soo noqdo oo uu ku tilmaamay nasiibdaro wayn

Dhanka kale Ugaas cabdirasaaq ayaa ka hadlay safarkii madaxwayne biixi ku tagay jabuuti oo uu ugu baaqay in uu shacabka usheego waxa uu kula soo heshiisay madaxwayne geelaha jabuuti.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS