|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Waxka Qabto Cabashada Kasoo Yeedhaysa Gaadiidlayda Iyo Muruq maalka Magaalada Wajaale.
January 10, 2021 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari (Sheekhul Axmar) Oo kamid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland ee badi ka hadla arimaha dalka ka taagan ayaa si adag uga hadlay cabashada kasoo yeedhay Muruq maalka iyo Gaadiidlayda Magaalada Ganacsiyeedka Tog Wajaale oo shaqadii ay ka xoogsadanayeen Ay doonayaa shakhsiyaad shirkada gaar wata oo doonaya in la wareegto. Gadiidkii khudrada ka keenaya itoobiyana doonaya in ay dalka soo galiyaan iyagoo ay wadaan dirawalo ajaanib ahi taasi oo meesha ka saaraysa shaqadii ay ka xoogsan jireen boqolaal reer Somaliland ah oo isugu jira gaadiidlay iyo xoogsato. Siyaasi Rashiid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta muqur-maalkii wajaale lagu qabsado waxyaabihii ay ka xoogsanayeen iyagoo filayay in wax loo qabto, Sidoo kale siyaasi rashiid jaamac dhari ayaa madaxwaynaha somaliland iyo wasaaradaha ku shaqada Arintan ugu baaqay in ay waxka qabtaan cabashada kazoo yeedhaysa xoogsatada, gaadiidlayda wajaale oo ay shakhsi gaari doonaya in uu la wreego shaqadooda isagoo sheegay in cidkasta oo damaca in ay muwaadiniintan shaqo tiraan ay ciqaab alle kala kulmayaan. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|