DAAWO;-Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye Oo Shaacisay In Ay Taageerayso Musharax Shucayb Maxamed Muuse Iyo Fariinta Ay Udirtay Shacabka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye Oo Shaacisay In Ay Taageerayso Musharax Shucayb Maxamed Muuse Iyo Fariinta Ay Udirtay Shacabka,
January 23, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye Oo kamid ahayd Musharixiinta Damacu kaga jiray Golaha wakiilada Somaliland ee gobolka Maroodi jeex ayaa taageero umuujisay musharax siyaasi Shucayb Maxamed ,muuse oo ka sharaxan xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Ucid.

Sidoo kale marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo ay weheliyaa xubno Kamid ah dhalinayarada taageerada u ahayd ayaa Taageerayaasheeda dalka gudihiisa iyo dibadiisa ugu baaqay In Ay isbarbar taagaan musharax Shucayb oo ay sheegtay in uu yahay masuulka kaliya ee ka midho kalin kara rabitaanka shacabka gobolka gabiley.

Dhanka musharax shucayb Maxamed Muuse oo hadhimo sharafeed usameeyay marwo xaliimo ayaa soo dhaweeyay taageerada ay umuujisay marwo xaliimo iyada iyo  taageerayaasheedu isagoo uga mahad celiyay sida ay ugarab istaagtay isagoo ku sifeeyay in ay kamid tahay shakhsiyaadka halganka ugu jira sidii ay utaageeri lahayd bulshadadeeda.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS