DAAWO;-Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Aqbalay Musharax Yaxye Araarse Oo Usharaxan Golaha Wakiilada Ee Gobolka Maroodi jeex | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Aqbalay Musharax Yaxye Araarse Oo Usharaxan Golaha Wakiilada Ee Gobolka Maroodi jeex
January 23, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madax-dhaqameedka ,waxgaradka iyo aqoonyahan beesha degta gobolada gabiley iyo maroodi jeex ayaa hogaanka xisbiga kulmiye ku wareejiyay musharaxa beeshu usoo xushay in uu umatalo doorashada golaha wakiilada gobolka maroodi jeex Aqoonyahan Yaxye Cabdilaahi Aamin (Yaxye Araarse).

Sidoo kale gudoomiye kuxigeenka labaad ee xisbiga kulmiye Axmed cabdi dheere ooo madasha ka hadlay ayaa shaaciyay in xisbigu aqbalay musharax yaxye soona dhaweynayo musharaxa iyo beeshiisa.

Dhanka Siyaasi Cabdiqaadi Gaangi Guuleed oo kamid golaha dhexe ee xisbi xaakimka kulmiye kana soo jeeda beesha soo xushay musharax yaxye araarse ayaa madasha ka jeediyay hadalo isugu jira soo dhawayn mahad celin,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS