DAAWO;-Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Cabdiraxmaan Xaaji Nuur. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Cabdiraxmaan Xaaji Nuur.
January 5, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Alle ha unaxariistee waxaa manta aas qaran xabaalaha baqiic ee magaalada hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Cabdiraxmaan xaaji Nuur Ismaaciil oo maalintii shalay galinkii danbe ku geeriyooday isla magaalada hargaysa.

Waxaana aaska Marxuumka kasoo qaybgalay Madaxdhaqameed, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo boqolaal kamid ah shacabka magaalada hargaysa.

Masuliyiinta ka hadlay  geerida marxuum cabdiraxmaan xaaji nuur ayaa ka waramay taariikhdii uu ku lahaa halgankii jamhuuriyada Somaliland, dib udhiskii dalka kuwaasi oo tacsi udiray ehelkii iyo qoyskii uu ka baxay. Iyagoo Ilaahay uga baryay in uu janooyinkiisa ku casuumo ehelkiisiina samir iyo Iiman saadiq ah Ka Siiyo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA AASKA MARXUUMKA CABDIRAXMAAN;

 

COMMENTS
LINKS