Cabdikariim Axmed Mooge; “Waa Nin Odhaahdiisa Iyo Addinkiisu Is Leeyihiin, Filina Maayo Inuu Habeenkiina Daan Yahay Dharaartiina, Dadka Oo Dhan..”Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cabdikariim Axmed Mooge; “Waa Nin Odhaahdiisa Iyo Addinkiisu Is Leeyihiin, Filina Maayo Inuu Habeenkiina Daan Yahay Dharaartiina, Dadka Oo Dhan..”Abwaan Weedhsame.
January 22, 2021 - Written by Editor:

“Reerka Uu Yahay Ha ku Mashquuline, Ruuxa Uu Yahay Iyo Riyada Uu Rabo Inuu Rumeeyo, Ka Hadal”Abwaan Weedhsame.

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “weedhsame” Oo kamid ah hal abuurka dhalinyarada ah reer Somaliland ugu Cad cad xaga suugaanta iyo dhabka hadal xaqiiqooyinka dalka ka jira ayaa taageero umuujiyay musharax aqoonyahan Cabdikariim Axmed Mooge Oo Ku sifeeyay nin dadka reer Hargaysa oo dhan wada matali kara isagoo kamid Shakhsiyaadka usharaxan golaha deegaanka caasimada Hargaysa.

Sidoo kale Abwaan Weedhsame ayaa bulshada  iyo dadka siyaabaha kala duwan uga hadlaya musharaxnimadiisa iyo xisbiyada uu iska soo sharaxay ugu baaqay in ay aanay ku daalin ka hadalka halka uu iska soo sharaxay, balse ay ka hadlaan hadafkiisa iyo riyadiisa hogaamineed.

Abwaan weedhsame ayaa qoraal uu kaga hadlayo musharax cabdikariim axmed mooge ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Ninkan Abdikarim Ahmed Mooge waan wataa, waayo waxan u Aqaanaa inuu yahay qof qumman oo dadka ilaahay u siman yihiin. Inta aan ka arkay, waa nin odhaahdiisa iyo addinkiisu is leeyihiin, filina maayo inu habeenkiina daan yahay dharaartiina dadka oo dhan yahay.

Saddexdan meheradoodna rag baa kala lehe, reero ma kala laha, mid uun baanu iska soo sharraxi lahaa.

Waana ninka qudha ee idin yidhi “Reer Hargeysoow” ee aan idin odhan “reer Hebeloow”

Reerka uu yahay ha ku mashquuline, ruuxa uu yahay iyo riyada uu rabo inu rumeeyo, ka hadal.

Ninkaas hammi reer Hebel iyo hunguri ka weyn buu sidaaye, ha hantaaqina. Taageera isaga iyo inta kale wanaagu ka go’an yahay, berrina kula xisaabtama ballan kasta oo bishmahooda ka soo baxa.

COMMENTS
LINKS