|
|||||
WAJAALE NEWS
Barlamaanka Dalka Turkiga Oo Ansixiyey Qaraar Lagu Kordhinayo Hawlgalka Ciidamadeeda Ku Sugan Xeebaha Somaliya.
January 27, 2021 - Written by Editor:ANKARA(W,N)-Baarlamanka waddanka Turkiga, ayaa ansixiyay Qaraar ku saabsan, in mudda sannad ah lagu kordhiyo Hawlgalka Ciidamada Turkiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed. Hawgalka Ciidamada Turkiga oo ku ekaa 10-ka bisha February ee sannadkan 2021, ayaa lagu kordhiyay mudda sannad ah oo ku eg 10-ka bisha February 2022, sida laga soo sigtay Qaraarka Baarlamanka. Ciidamada Turkiga ee jooga Xeebaha Soomaaliya, ayaa qaabilsan Ilaalinta maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga, si aysan ula kulmin weeraro uga yimaada Budhcad-badeedda Soomaalida. Qaraarka waxa lagu sheegay, in Ciidamada Badda Turkiga ee ka hawlgala xeebaha Soomaaliya ay muhiim u yihiin Amniga maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga ee mara Gacanka Cadmeed, sidaas darteedna loo kordhiyay mudda sannad ah. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE.
Related posts:Halkan Ka Akhri: Khudbad Sanadeedkii Madaxweynaha Somaliland U Jeediyay Shir-gudoonka Labada Gole Ba... Suldaan Cado Gude Oo Ka Waramay Waxyaabihii Ugu Xusuusta Badnaa Mudadii 36cisho Ahayd Ee Uu Ku Xidhn... Daawo:MasuuliyiintaXisbiga Wadani Oo Si Adag Uga Hadlay Shuban Biyood Ka Dhex Dilaacay JeelkaWayn Ee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|