|
|||||
WAJAALE NEWS
Barlamaanka Dalka Turkiga Oo Ansixiyey Qaraar Lagu Kordhinayo Hawlgalka Ciidamadeeda Ku Sugan Xeebaha Somaliya.
January 27, 2021 - Written by Editor:ANKARA(W,N)-Baarlamanka waddanka Turkiga, ayaa ansixiyay Qaraar ku saabsan, in mudda sannad ah lagu kordhiyo Hawlgalka Ciidamada Turkiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed. Hawgalka Ciidamada Turkiga oo ku ekaa 10-ka bisha February ee sannadkan 2021, ayaa lagu kordhiyay mudda sannad ah oo ku eg 10-ka bisha February 2022, sida laga soo sigtay Qaraarka Baarlamanka. Ciidamada Turkiga ee jooga Xeebaha Soomaaliya, ayaa qaabilsan Ilaalinta maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga, si aysan ula kulmin weeraro uga yimaada Budhcad-badeedda Soomaalida. Qaraarka waxa lagu sheegay, in Ciidamada Badda Turkiga ee ka hawlgala xeebaha Soomaaliya ay muhiim u yihiin Amniga maraakiibta iyo doonyaha Ganacsiga Turkiga ee mara Gacanka Cadmeed, sidaas darteedna loo kordhiyay mudda sannad ah. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE.
Related posts:Prof Meecaad Oo Si Adag Uga Hadlay Xeerka Tabashadu Ka Taagan Tahay Ee Ay Ansixiyeen Labada Gole Ee ... DAAWO;-''Madaxweynuhu Been Ayuu Ka Sheegay Arrinta Dhaqaalaha Iyo Safarkii…''Xoghayaha Waddani. Gobolada Awdal,Gabiley Iyo Salel Oo Aan Gabi Ahaanba ka Dhex Muuqan Mashaariicda Miisaaniyada 2018 I... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|