Xogoha laga Helayo Kulankii Madaxwayne Biixi Iyo Madaxwayne Uhura Kenyata + Qodobo Badan Ay Ka Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogoha laga Helayo Kulankii Madaxwayne Biixi Iyo Madaxwayne Uhura Kenyata + Qodobo Badan Ay Ka Wada Hadleen!
December 14, 2020 - Written by Editor:

NAIROBI(W.N)-Madaxwaynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo oo maalintii shalay booqasho ku tagay dalka Kenya ayaa manta kulan la yeeshay dhigiisa dalka Kenya madaxwayne kenyata kaasi oo ahaa kulan saacado qaatay islamarkaana aanay warbaahintu goob joog ka ahayn.

Hadab kulan ayaa lagu sheegay in dhamaystirkiisa qodobadi laga wada hadlay layskugu soo noqon doono maalinta bari ah.

Dhanka kale xogaha laga helayo kulanka madaxwayne biixi iyo madaxwayne uhura ayaa sheegay in ay wada hadleen qodobo ay ugu horaysay sidii dalka Kenya safaarad buuxda uga furan lahaa caasimada Somaliland kor uqaadista xidhiidhka ganacsi ee labada dal

Waxaana lafilayaa in maalinta bari ah labada madaxwayne ay siwada jir ah waraabhinta ula hadlaan

Safar madaxwaynaha Somaliland ku jooga dalka Kenya ayaa cadho xoogan ka qaday maamulka muqdisho kuwaasi oo bilaabay dacwad ka dhan ah Kenya .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS