Xogaha Laga Helayo Cabashada Gaadiidlayda Iyo Muruq-maalka Magaalada Wajaale Iyo Xaqiiqada Ganacsade Shaqadoodii La Wareegaya!, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogaha Laga Helayo Cabashada Gaadiidlayda Iyo Muruq-maalka Magaalada Wajaale Iyo Xaqiiqada Ganacsade Shaqadoodii La Wareegaya!,
December 28, 2020 - Written by Editor:

Waa Kuma Ganacsadaha ay gaadiidlayda iyo xoogtada Magaalada Wajaale  Sida Fiinta Uga Qayliyeen Ee la Wareegaya Shaqadoodii Iyo Xogaha laga helayo labada dhinac?

TOG WAJAALE(W,N)-Tan Iyo Markii Xukuumadii Koowaad ee Xisbiga Kulmiye ee Madaxwayne Siilaanyo Talada dalka kala Wareegtay Xukuumadii Udub ee Madaxwayne Rayaale ,waxaa Dalka ka Abuurmay ganacsato abuurtay Shirkado oo gabi Ahaanba kala wareegtay boqolaal muwaadiniina Ah shaqooyinki ay ka soo saari jireen nolol maalmeedka . Iyadoo Talaabadaa Ganacsatada Shirkadaha abuuray ay xidhiidh toosa La leeyihiin dhammaantood xukuumadhihii Xisbiga Kulmiye ee Xilka la kala wareegay, isla Marka ay garab ka helayaan Madaxda Dawladda .

Hadabba si aynu xogo dheerada uga helno khilaafka maalmihii Udanbeeyay ka taagan magaalo Ganacsiyeedka tog wajaale Una Dhexeeya gaadiidlayda rarka Qaada oo ay weheliyaan Muruqmaalka magaalada wajaale ka xamaasha kuwaasi oo sida Ay ka sheegeen shaqadoodii ay la wareegayso shirkada uu leeyahay nin ganacsade ahi  shabakadda wararka ee Wajalenews.net Ayaa waxay u howl gashay sidii xaqiiqo raadis iyo xog rasmi ah looga ogaanlaha qaylo dhaanta Iyo Cabashada kasoo yeedhaysa Gaadiidlayda iyo Muruq=maalka ka shaqeeya kala wareejinta khudaarta inooga timaada dalka Itoobiya ee ku socota Somaliland iyo  Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar oo ah mulkiilaha Shirkadda Daabacaada Casriga ah ee Sagal Jet oo ay sheegeen in uu shaqadoodii la Wareegay islamarkaana gaadiidkii khudaarta kazoo qaadi jiray Itoobiya uu isagu samaystay shirkad gaadiid oo dalka toos usoo Galiya khudaarta sida muuska oo markii hore lagu kala wareejin Jiray magaalo xuduudeedka wajaale islamarkaana ay dalka soo Galin jireen gaadiid ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah Islamarkaana ay ka xamaalan jireen boqolaal qof oo kamid ah Shacabka ku dhaqan magaalada wajaale.

Ugu horayn waxaa iswaydiin mudan ma jirtaa in Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar oo ganacsigiisa ku kordhiyay qayb khudaarta Ah si dadban iyo si toosa usoo galiyaan dalka? Ma jirtaa Talaabooyin uu qaaday Ganacsade Cabdi Yuusuf oo meesha ka Saaraysa shaqooyinkii ay nolol maalmeedka kala soo baxi jireen Boqolaal qof oo gaadiidlay iyo muruqmaal iskugu jiraa?

Hadii gaadiidka laga leeyahay dalka Itoobiya ka shaqaystaan Gudaha Somaliland maxaa Gaadiidka Somaliland leeyahay u Diidaya in ay gudaha dalka Itoobiya ka shaqaystaan ? Ma jirtaa Faraq wayn oo dhanka Cashuurta Gaadiidka ah oo u dhaxeeya Labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya?

Wararka Iyo xogaha ay helayo ayaa waxay xaqiijiyeen in Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar si dadban ugu jiro Ganacsiga Khudaarta Saddexdii Sanno ee u danbeeyay,si wayna ugu lug lahaa Ganacsiga Khudaarta Itoobiya ka timaadda .

Sidoo kale xogaha iyo xaqiiqooyinka kasoo baxaya cabashada gaadiidlayda iyo muruqmaalka ay kaga cabanayaan ganacsadaha isagu doonaya in uu la wareego shaqadoodii Ee magaalo ganacsiyeedka Wajaale ee horena warbaahinta usoo mariyay Cabashadooda ayaa intaa ku daraya In Ganasade Cabdi Yuusuf uu cashuurtay gaadiid gaadhaya ilaa 14 Gaadhi oo Numbarka Somaliland u sameeyay, dalkana soo galin doona khudaarta taasi oo ay sida fiinta uga qayliyeen bulshada ku dhaqan magaalada wajaale ee sida dhow ula socday arimahani ayaa walaac ka muujiyay hadii ay hirgasho talaabadaasi in ay meesha ka baxayso nolosha boqolaal muwaadiniina oo ka xoogsada kala wareejinta khudaarta, haday tahay gaadiidlayda iyo haday tahay muruqmaalka .

Dhanka kale maamulka shirkadaha ganacsadaha isagu doonaya in uu la wareego shaqada gaadiidka tirade badan iyo boqalaalka muwaadin u shaqo waayayaan ayaan wali wax jawaab ah ka bixin eedaha loosoo jeedinayo iyo cabashada kasoo yeedhaysa shacabka ku dhaqan magaalada wajaale.

Halka wali aanu badhasaabka gobolka gabiley iyo maamulka Degmada wajaale ayna dhankooda  wali ka hadal cabashada muwaadiniinta shaqadoodii lagu qabsaday oo sida muuqata hadii wax laga qaban waayo ay ka dhalan karaan waxyaabo Abniga magaalada saameeya iyo isku dhac labada dhinac ah.

Sidaasi oo ay tahay waxa xusid mudan in xubno kamid ah gaadiilayda iyo muruqmaalku si ay cabashadoodu ugu soo gudbiyaan ganacsade cabdi Yuusuf Aar ay magaalada hargaysa kula kulmeen.

MAXAY KAWADA HADLEEN GAADIIDLAYDA WAJAALE IYO GANACSADE CABDI YUUSUF AAR!!

Waxaa Magaalada Hargaysa kulan ku dhexmaray Maalin ku Taariikhaysan 29/11/2020 Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar Iyo gudi ka socotay Mulkiilayaasha Gaadiidlayda,muruq=maalka kaasi oo ka dhacay Hutel Hido dhowr ee Magaalada Hargaysa, waxaanay guddidii Gaadiidlayda iyo Muruq=maalku u soo bandhigeen Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar una soo gudbiyeen in uu hoos u eego Muwaadiniinta Faraha badan ee shaqo abuurka ka hesha kala wareejinta Gaadiidka khudaarta balse arinkaa muu garowsan, inkastuu Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar dhinac iskaga leexiyay in uu ganacsatada khudaarta ku soo biiray oo uu sheegay in shaqo uga samaynayo dhalinyaro, balse shirkadaha khudaarta keena ay arimo kale ka dhexeeyaan.

Ugu dambayn waxay xubnihii gudida ahaa  kulankaa Hutel Hido dhowr ka dhacay, kala Soo caraabeen faro badhan iyagoo u arkaya in lagu soo duulay  xuquuqdoodii shaqo.

Wallow xubno ka agdhow ganacsade cabdi yuusuf aar oo kulan la socday ay shabakada wararka ee wajaalenews usheegeen in uu gaadiidlayda iyo muruqmaal uu usoo bandhigay in uu joojin doono wixii danbe ee gaadiid ah marka laga reebo toban gaadhi oo usameeyay liisanka ay kusoo galayaan Somaliland halka xamaaliinta ka xoogsadana uu sheegay In marka baabuurtani ay soo maraanba lasiin doono woxogaa dhaqaale ah balse aanay ku qancin gaadiidlayda iyo muruqmaalkuba,soo jeedintiisa.

Sikasta oo ay tahay waxaa laga war sugi doonaa jawaabka ay xukuumada madaxwayne biixi ka bixiso cabashada gaadiidlayda iyo muruqmaalka wajaale,

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS