|
|||||
WAJAALE NEWS
Wefti Culus Oo Ka Socda Dalalka Beesha Caalamka Oo Ku Soo Waajahan Hargeysa
December 8, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Beesha Caalamka ee Taageera Nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka Somaliland ayaa Wefti u soo diraya Hargeysa. Warar uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyey in Wefti culus oo ay hoggaaminayaan Safiirro ay Magaalada Hargeysa u imanayaan bilowga diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee Magaalada Hargeysa, taasi oo la filayo inay bilaabanto badhtamaha Bishan December, 2020. Weftiga oo la filayo inay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Biixi, Madaxda Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa la filayaa inay Magaalada kaga dhawaaqaan qaadhaanka doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka ee la filayo inay sannadkan 2021-ka ka qabsoomaan Somaliland. Imaanshaha Weftiga ayaa la filayaa inuu tallaabo muhiim u ah noqdo Diyaar-garowga iyo abaabulka doorashooyinka soo foolka leh. Dalalka Beesha Caalamka ayaa Somaliland ka taageera Doorashooyinka, waxayna dhiirigeliyaan qabashooda.
Related posts:Prof Ibraahim Meecaad Oo Fashiliyay Cida Duulaanka Kusoo Qaaday Gobolka Sool Iyo Ujeedada Ka Danbays... Daawo: Ururka Swad ee haweenka reer somaliland ee norway oo maanta deeq wax-barasho soo gaadhsiiyay ... Xildhibaan Guruuje Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya Oo Ka Taagan Somaliland Iyo Fariinta Uu Udiray Madax... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|