Ururka Vosomwo Oo Bulshada Beelaha Dhaqanku-naafeeyey Ee Gobolada Somaliland Ugu Baaqay Inay Qaatan Kaadhka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Vosomwo Oo Bulshada Beelaha Dhaqanku-naafeeyey Ee Gobolada Somaliland Ugu Baaqay Inay Qaatan Kaadhka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.
December 11, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-War-saxaafadeed: Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo oo u Dooda xaquuqaha Beelaha Dhaqanku-naafeeyey, mid Siyaasi iyo mid Insaanimo, isla markaana u taagan la dagaalanka Takoorka Isir iyo midka Siyaasadeed, waxa uu ugu baaqayaa Bulshada Beelaha Dhaqanku-naafeeyey ee ku kala nool deegaanada Somaliland mi’iyo magaalo, degmo iyo Tuulo meel kastoo ay ka joogaan Gobolada Somaliland inay u diyaar garooban qaadashada Kaadhka Diiwaangelinta Codbixiyaasha Somaliland oo la Filayo inay 13-ka December 2020-ka maalinta Axada todobaadkan ka furmaan Gobolada Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Ururka Vosomwo waxa uu ugu baaqayaa  Muwaadiniinta Beelaha Gabooye, ee aan hore u qaadan Kaadhka codbixinta inay maanta si aan kala hadh-lahayn uga faa’iddaystan fursadan, isla markaana intii hore uga habsaantay iyo weliba kuwiii aan waqtigii Diiwaangelintii hore qaan-gaadhka ahayn, balse hada gaan-gaadhay ee ku nool Gobolada Maroodi-jeex iyo Saaxil inay Qaatan Kaadhka Diiwaangelinta Codbixiyaasha.

Muwaadin qaadashada Kaadhka Diiwaangelinta Codbixiyaasha waa xaquuq Dastuuriya oo aad leedahay, waxanu kuu suuro-gelinayaa inaad wax doorato, ama lagu doorto.

Sidoo kale, Muwaadin qaadashada Kaadhka Diiwaangelintu, waxa ku fudaydinaysa inaad hesho xaquuqdaada Muwaadinimo iyo mida madaxtimo.

Guntii iyo gebo-gebadii waxaa uu Ururka Vosomwo kugu baaqayaa inaad Muwaadin is-xil-qaanto, isla markaana qaadato Kaadhka Diiwaangelinta Codbixiyaasha ee maalinta Axada 13-ka bishan December 2020-ka ka Furmaya Gobolada Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Waxa kaloo uu Ururka Vosomwo kugu baaqaya Bulshada Beelaha Gabooye ee ku kala nool Gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag inay iyana marka ay soo gaadho Diiwaangelinta Codbixiyaasha inay qaataan Kaadhka Diiwaangelinta Codbixiyaasha, Isla markaana ka faaidaystan fursadan.

Fariintani waxay si gaar ah ugu socotaa Muwaadiniinta Beelaha dhaqanku-naafeeyey, waxanan Muwaadin ka Codsanaynaa inaad u dhego nuglaato, Isla markaana isku Wacyigelisaan.

Waa bilahi Tawfiiq.

Gudoomiyaha Ururka Vosomwo Hibaaq Axmed Hasan.

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS