|
|||||
WAJAALE NEWS
Turkiga Iyo Ingiriiska Oo Kala Saxeexday Heshiis dhinaca Ganacsiga Ah
December 30, 2020 - Written by Editor:Ankara(W,N)-Dowladaha Turkiga iyo Ingiriiska ayaa shaaciyey inay kala saxeexdeen heshiiska ganacsiga xorta ah, iyada oo Magaalada London u diyaar garoobeyso inay dhammaadka bishan si rasmi ah uga baxdo Midowga Yurub. Heshiiskan oo dhaqan geli doona 1-da bisha January 2021 ayaa kor u qaadi doona ganacsiga labada dhinac ka dhexeeya oo sannadkii 2019-kii ka badnaa $25 billion oo dollar. Heshiiska labada dal ayaa yimid maalmo un kadib markii UK iyo Midowga Yurub ay heshiis buuxa ka gaadheen inay kala furtaan kadib wada-hadallo socday sanado. Dowladda Ingiriiska ayaa diyaar garoowii ugu dambeeyay ugu jira sidii ay si rasmi ah uga bixi laheyd Midowga Yurub, isla markaana waxaa la qorsheeyay in heshiiska cusub ee Turkiga iyo UK uu ka dhaqan geli doono 1-da bisha January 2021. Related posts:Maamulka Magaalada Tog Wajaale Malagu Aamini Karaa Banaynta Jidadka Gudaha Magaalada? Maxayse Hore ... Siyaasi Cali Guray Oo Dhaliilihii Ugu Cuskaa UJeediyay Wasiirka Diinta Iyo Dhaqanka Ee Dalka Jabuuti... TACSI:-Guddoomiyaha WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Macalin Nuux Ax... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|