“Reer Waqooyiga Muqdisho Xilalka Ka Haya, Balse Aan Iman Karin Guryahoodiiba Marti Ama Dulsaar Ayaa Muqdisho Looga Arkaa”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Reer Waqooyiga Muqdisho Xilalka Ka Haya, Balse Aan Iman Karin Guryahoodiiba Marti Ama Dulsaar Ayaa Muqdisho Looga Arkaa”Cali Guray.
December 8, 2020 - Written by Editor:

WEGER IYO KA WAASACAN!!

Burburkii Somalia maxaa ka dembeeyay? Reer Waqooyi iyo reer Koonfureed maaha ee waa Somaliya iyo Somaliland ee yaa Metala dadka Somaliland? Ma kuwii ay iyagu doorteen ee ay Doorasho hal qof iyo hal cod ah ku doorteen mise kuwo aanay Dooranin oo aan dhex joogin ee Muqdisho lagu doortay Muqdishana jooga. Intii ka dambaysay burburkii Somalia Koonfur iyo Waqooyi wixii la odhan jiray meesha wuu ka Baxday. Waa Somaliland iyo Somaliya oo laba dal kala ah, laba dawladood kala ah, xataa laba calan iyo laba lacagayow oo kala duwan leh. In ay mar kale dib u midoobaan oo dawlad keliya ay noqdaan iyo in laba dawladood oo is aqoonsan ay noqdaan labada ilaa hadda midna heshiis laguma aha. Inta ay sidaa tahay runtu waxay tahay in la kala maqan yahay.

Madaxwayne-nimada Farmaajo Somaliland kama shaqayso waana xaqiiqadu sida ay tahay runtana la isma diidsiiyo hadii aad i diidsiiso lafteeda waa mid ku hortaal oo aad og tahay.

Reer waqooyiga Muqdisho xilalka ka haya waan ka xumahay balse aan iman karin guryahoodiiba marti ama dulsaar ayaa Muqdisho looga arkaa inta Muqdisho la joogta way is meteli karaan balse halkan waxa looga yaqaan niman shaqo tegay. Joogista ay Muqdisho joogaan kuma meteli karaan malaayiinta reer Somaliland afkooda in ay ku hadlaanna maaha ee waa qalad. Iyaga qaarkood ayaaba marar badan qira in aanay cidna metelin. Markaa hawl qabyo ah in laga dhigo wax dhamaaday waa qalad.

Shirkii Carta shakhsiyaad tegay way jireen laakiin rasmi ahaan may ku metalayn dadka Somaliland ee taladooda gaadhay 10 sanno ku dhawaad ka hor intii aan la qaban Shirkii Carta.

Waa ta doorashada Somalia eh dee hadii sida RW xigeenku sheegay ay tahay wax dhimaniba ma jiraan waana suurtogal in doorashadu ay wakhtigeedii ku qabsoomi karto. Waxanse filayaa in hadalka Mahdi uu ka tarjumayo hal dhinac oo ah dhinaca uu ka tirsan yahay ee Dawladda Madaxwayne Farmaajo. Dhinicii kale ee mucaaridka ka soo horjeeda Farmaajo iyaguna si kale ayay u hadlayaan. Heshiiska doorashaduna wuxu ahaa in la qabto doorasho la isla ogol yahay taasina ma muuqato sida xaalku ilaa hadda yahay. Markaa sida muuqata hadii la isu joojin maayo xaalku noqdo dhinaca kalena guddidiisa uu samaysto saw xaalku markaa in la ismuquuniyo uun maaha? Bal hadaba ka isagu wax muquunin kara iyo ka la muquunin karo waaba loo wada joogi

COMMENTS
LINKS