Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Xaaladda Itoobiya Ay Kasii Dareyso. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Xaaladda Itoobiya Ay Kasii Dareyso.
December 10, 2020 - Written by Editor:

Addis Ababa(W,N)-Warbixin kasoo baxday xafiiska Xaquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in xaalada dalka Itoobiya ay tahay mid faraha-kasii baxaysa, sida ay sheegtay Madaxa Xaquuqul Insaanka Michelle Bachelet.

Michelle Bachelet ayaa sheegtay inay jiraan hadda in ka badan 1 milyan oo qof oo ku barakacay dagaalka ka socda maamulka Tigrayga, waxayna sheegtay inay jiraan caddeynmo ah inay dhaceen dambiyo dagaal oo ay ku jiraan xasuuqyo ay geysteen kooxaha dagaalamaya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in weli aan xog dhammeystiran laga heyn deegaanada dagaalada ugu xun ay ka dhaceen maadaama dowlada Itoobiya ay weli diidan tahay in dhulkaasi loo fasaxo hay’adaha caalamiga ah.

Dowlada Itoobiya ayaa weli diidan in dhulka Tigrayga ay booqdaan hay’adaha xaquuqul insaanka, wuxuuna afhayeenka xukuumada Abiy Ahmed sheegay in dowladooda ay baadhi doonto hadii ay jiraan danbiyo dagaal balse ayna u baahneyn gacan shisheeye!

Ciidamada dowlada Abiy Ahmed ayaa axadii lasoo dhaafay rasaas ku furay guddi ka kooban 4 xubnood oo ka socday UN-ta oo doonayey inay booqdaan barakacayaasha ku sugan deegaanada ay dagaalada ka dhaceen.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo shalay booqday magaalada Moyale ee ku taalla xaduuda Kenya iyo Itoobiya ayaa xadhiga ka jaray wado dheer oo isku xidhi doonta labada dal ayaan weli ka hadlin baaqyada uga imaanaya beesha caalamka ee ah in la qaado xayiraada xukuumadiisa ay saartay ismaamulka Tigrayga.

Wararka kasoo baxaya dhulka Tigrayga ayaa sheegaya in weli ay dagaalo ka socdaan nawaaxiga caasimada ismaamulkaasi ee Maqalle, iyo magaalooyinka kale sida Axum iyo Sheraro.

COMMENTS
LINKS