Qaramada Midoobay Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Xaaladda Dadkii ku Barakacay Gobolka Tigreey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Xaaladda Dadkii ku Barakacay Gobolka Tigreey
December 18, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Wafti ka socda Ha’yadda Qaramada Midoobey Uqaabilsan Qaxoontiga ee UNHCR ayaa gaadhay Caasimada dalka Itoobiya ee Adis Ababa si ay dowlada Itoobiya ugu booriyaan badbaadinta dadka qaxootiga ah gaar ahaan kuwa ku sugan xeryaha ku yaala gobalka Tigray ee dagaaladu ka jiraan.

Wasiiru dowlaha nabadda Itoobiya Frealem Shibabaw, oo wafdiga qaabishay ayaa sheegtay in Itoobiya ay muhiimad gaar ah siineyso ilaalinta badqabka qaxoontiga isla markaana la qaaday talaabooyin lagu ilaalinayo dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin kuwo xeryaha qaxootiga ku jira mudadii uu socday howlgalka gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Waxay tilmaantay in dadkii xeryaha ka cararay cabsi darteed mudadii uu socday dagaalka tigray ay hada ku laabteen meelihii ay ka yimaadeen.

Waxay sidoo kale sheegtay in itoobiya ay diyaar u tahay soo celinta qaxootiga Sudan jooga hadii ay iyagu doonaan.

Waxaa maalmahan jiray walaac xoogan oo hayadaha samafalka ay ka muujinayeen dadka qaxootiga ah ee ku nool waqooyiga Itoobiya iyo eedeymo .loo jeediyay oo ahaa in qasab lagu celiyay qaxooti Eritrea ka yimid oo ku sugnaa gobalka tigreega

Dowlada Itoobiya ayaa beenisay eedaasi waxayna sheegtay in qaxootiga ay iskood xeryaha uga baxeen iyaga oo dagaalka ka baqaya.

Gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya waxaa ku yaala 33 xero oo dadka qaxootiga ay daganyihiin waxayna badankood ka yimaadeen dalka Eritrea.

 

COMMENTS
LINKS