Madaxweynaha Somaliland Oo ku Gudda Jira Safarkii Uu Ku Joogay Dalka Jabuuti Ayaa Booqasho Ku Tegay Qaar ka Mida Dekedaha Jabuuti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo ku Gudda Jira Safarkii Uu Ku Joogay Dalka Jabuuti Ayaa Booqasho Ku Tegay Qaar ka Mida Dekedaha Jabuuti.
December 25, 2020 - Written by Editor:

Jabuuti(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee Maalmahan safarka shaqo ku joogay Dalka Jabuuti ayaa maanta Oo Jimce ah waxa uu booqasho ku tegay qaar ka mida Dekedaha dalka Jabuuti gaar ahaan dekedaha Tajoro iyo Gubeet,

waxaana madaxweynaha safarkaas oo ay dhulka ku mareen, hormuud u ahaa wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti, Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali), Maareeyaha Dekedaha Jabuuti Mudane Abuubakor  Cumar Xadi iyo Taliyaha Ciidanka Jamhuuriga, Korneyl Maxamed Jaamac Ducaale. Waxaanay madaxweynaha iyo weftigiisa warbiximo ka siinayeen goobahaa muhiimka ah ee madaxweynuhu booqday.

Waxaanay madaxweynaha iyo weftigii balaadhnaa ee safarkaa ku wehelinaayey hadhimo sharafeed loogu sameeyey magaalo madaxda gobolka Tajoro oo ay caawa u hoyden.

COMMENTS
LINKS