|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Safiirka Taiwan U Fadhiya Dalka Somaliland.
December 19, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaaradda Dalka Taiwan ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaaraddaasi. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay safiirka Taiwan u fadhiya caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo la xidhiidha Sidii loo dardargelin lahaa xidhiidhka hufan ee labada dal u dhexeeya, islamarkaana kor loogu qaadi lahaa, loona xoojin lahaa deeqaha waxbarasho ee ay Taiwan siiso ardayda reer Somaliland iyo mashaariicda horumarineed ee labada dal hore uga wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa. Sidoo kale, waxa kulankan lagaga wada-hadlay arrimaha caafimaadka, gaar ahaan xakamaynta xanuunka Covid-19 iyo sidii ay Taiwan gacan uga geysan lahayd inay Jamhuuriyadda Somaliland hesho tallaalka cudurka Covid-19 oo dalal badan oo dunida kamid ahi ay dadkooda u bilaabeen sidii ay uga hortegi lahaayeen xannuunkaasi. Kulankaas, oo kusoo dhammaaday is af-garad buuxa, waxana ay madaxweynaha Somaliland iyo safiirka Taiwan isla meel-dhigeen sii xoojinta wada-shaqaynta iyo saaxiibtinimada labada dhinac u dhaxeeya. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Afrika Oo Caalamka Ugu Baaqay Inay... Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Qaraarkii Maxkamada Sare Kasoo Saartay Dalabkii... Sedex Qof Oo Magaalada Berbera Ugu Geeriyooday Xanuunka Covid19 Iyo Tiradii Ugu Badnayd Ee Laga Hela... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|