|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ku Leedahay Dalka Jabuuti Iyo Waxyaabaha Uu Kusoo Arkay!
December 27, 2020 - Written by Editor:Jabuuti(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii shanaad ku sugan dalka Jabuuti oo halkaasi u joogay hawlo shaqo ayaa maanta booqday safaaradda Somaliland ay ku leedahay Caasimada dalka Jabuuti ee jabuuti.
Waxaana madaxweynaha warbixin halkaa ku siiyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan dalka Jabuuti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo ay wehelinayaan safiir ku xigeenka, Amb. Cabdilaahi Xaaji Suldaan iyo hawl-wadeenada safaaradda, isagoo ku dheeraaday mudadii uu safiirku joogay wixii u qabsoomay.
Geesta kale maareeyaha dekedaha Jabuuti ayaa sharaxaad ka siiyey Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa aaga cashuuraha ka caagan ee Free Żonę-ka. Dhinaca kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga la socday waxa hadhimo sharafeed u sameeyey maareeyaha dekedaha Jabuuti Mudane Abuubakor Cumar Xadi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirrada Jabuuti iyo masuuliyiin kale. Allaa Mahad leh Related posts:DAAWO;-Haween Ka Gadoodsan Kufsi Iyo Dil Loo Gaystay Marxuum Hinda Cumar Oo Iskugu Soo Baxay Magaal... Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Ku Eedeeyay Lunsiga Lacag Malaayiin Dollar Ah Oo Kazoo Xaroota Mishiinka... Daawo: Faysal Cali Waraabe Oo Dadwaynaha Reer Hargaysa Ugu Baaqay Inaanay Bixin Cashuurta Ay Qaado D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|