|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Tacsi Udiray Qoyska Marxuumad Aamin Maxamuud Oo Xalay Ku Geeriyootay Magaalada Hargaysa.
December 2, 2020 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 02/12/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, haween-weynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Aamina Maxmauud Diiriye oo ku geeriyootay xalay oo ay taariikhdu ahayd 02/12/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxa uu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida marxuumada dhammaan haween-weynaha Somaliland. kana mid ahayd haweenka qarankan uga faa’iideeyey wakhtigooda iyo aqoontooda, iyadoo muddo dheer ku soo dhex jirtay siyaasada iyo arrimaha bulshada, xilal kala duwana ka soo qabatay xukuumadihii kala danbeeyey. Waxaanu madaxweynuhu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, haween-weynaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Xukuumada Siilaanyo Ku Badh furtay Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Iyo Madax dhaqameedkii Oo Wali ... DAAWO;-Dr Buuxane Oo Ka Hadlay Xaalada Nabadgalyo Daro Ee Magaalada Boorama, Muxuuse Ka Yidhi Saamay... Madaxweyne Ku-xigeenka Jsl Oo Tababar Usoo Xidhay Dufcadii 33aad Ee Ka Qalin-jebisay Dugsiga Tababar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|