Madaxwaynaha Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Hargaysa
December 16, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hogaaminayay oo safar sedex Cisho qaatay ugu maqnaa dalka Kenya ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay.

Sidoo kale Madaxwaynaha jsl ayaa ka warbixiyay waxyaabaha uga soo qabsoomay Kenya iyo qodobadii ay isla garteen madaxwaynaha Kenya ee xidhiidhka labada dal.

Dhanka kale madaxwaynaha jsl iyo waftigiisa ayaa madaarka caasimada ilaa afaafka madaxtooyada ay kusoo dhaweeyay kumanaan kamid ah shacabka caasimada oo taageero umuujnayay waftiga madaxwaynaha iyo guulaha siyaasadeed ee ay kazoo hoyeen safarkii ay ku tageen dalka Kenya.

 

COMMENTS
LINKS