Madaxwaynaha Somaliland Oo Lafilayo In Uu Safar Ugu Baxo Dalka Jabuuti Iyo Xogaha Laga Helayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliland Oo Lafilayo In Uu Safar Ugu Baxo Dalka Jabuuti Iyo Xogaha Laga Helayo!
December 22, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Wafti Uu Hogaaminaya Ayaa lafilayaa in Uu Maalinta Bari Safar Ugu Anbabaxo Dalka Jabuuti.

Wararka laga helayo safarka madaxwaynaha Jsl Ugu baxayo Dalka jabuuti ayaa sheegaya in uu casuumad rasmi ah ka helay Madaxwaynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, wallow aan la ogayn ujeeda uu daaran yahay safarka madaxwaynaha iyo Waxa keenay In xiligan uu madaxwayne geele casuumad ufidiyo iyadoo dhanka kale laba cisho ka hor uu dalka jabuuti ka qabsoomay shirkii urur goboleedka Igad oo Ay hadheeyay Khilaafka Udhexeeya wadamada somaliya,Kenya Itoobiya iyo Sudan kaasi oo aan wax xal ah lagaga gaadhin Shirka khilaafyada udhexeeya madaxda ku shirtay jabuuti.

Sidoo kale shirkii igad ee ka qabsoomay caasimada jabuuti ayaa waxaa qodobadii kazoo baxay lagu soo qaaday sidii loo sii wadi lahaa wadahadaladii udhexeeyay Somaliland iyo somaliya ee hore uga qabsoomay dalka jabuuti kaasi oo gudiyadii farsamo ee la magacaabay aanay dib u kulmin kadib markii dawlada somaliya uu dhinaceeda ka baaqday.

Marfi qaadka  uu madaxwaynaha jabuuti ufidiyay madaxwaynaha Somaliland aya lala xidhiidhinayaa in ay daaran tahay sidii uu madaxwaynaha Somaliland uga hadli lahaa sidii loo sii wadi lahaa wadahadaladii udhexeeyay somaliya iyo Somaliland iyo arimaha ka taagan geeska oo saamaynaya Somaliland,

Majiro Wax War  oo kazoo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu shaaciyay safarka madaxwayne biixi ugu baxayo dalka  jabuuti iyo wax Uudaaran yahay.

Wixii faah faahin ah ee kazoo kordha safarka madaxwaynaha iyo wafti uu hogaaminayo kala soco wararkeena danbe,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS