|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hogaamiyaha Mucaaridka Dalka Kenya Raila Odinga.
December 14, 2020 - Written by Editor:NAIROBI(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Ayaa waxa kulan booqasho ah ugu Yimid Hotelka Uu ka degan yahay Magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dalka Kenya Ahna Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Mudane Raila Odinga. Sidoo kale siyaasi Raila odinga ahaa ah hogaamiyaha xisbiga labaad ee dalka Kenya kaasi oo hore mar safar ugu yimid Somaliland islamarkaana kamid ah siyaasiyiinta dalkaasi ee taageersan madaxbanaanida Somaliland oo uu dhowr jeer hore ugaga hadlay meelo fagaare ah isagoo imika haya xil muhiim ah. Majirta wax war ah oo faah faahsan oo kazoo baxay kulanka madaxwaynaha jsl iyo waftigiisa ay la qaateen siyaasi Raila Odinga
Related posts:DAAWO;-General Jidhif Iyo Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Ka Waramay Taariikh Nololeed Gudoomiye Kux... Daawo:Prof.Axmed Ismacil Samatar Oo Kabaha La Dulmaray Qurba Joogta Sheegayna In ay Suudh Raqiisa In... Daawo:Dablay Xalay U Dhacday Guriga Wasiirka Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Iyo Sida ay Wax U D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|