|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayarka Magaalada Gabiley Oo Tacsi Udiray Qoyska Uu ka Baxay Marxuum Maxamed Cabdilaahi “Qojobe” Oo Ku Geeriyooday Gabiley.
December 3, 2020 - Written by Editor:TACSI;MAAYERKA MAGAALADA GABILEY; INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Duqa Degmada Gabiley Md. M-aamiin Cumar Cabdi Ayaa Tacsi U Direy Geerida Marxuum ( Maxamed Cabdilaahi Habane ) “Qojabe” Oo Hore Maayer Uga Soo Noqdey Degmada Gabiley. Gabiley-(W,N)- Gudoomiyaha golaha degaanka Degmada Gabiley ahna Duqa Degamada Md. M-aamiin Cumar Cabdi ayaa isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Gole-weynaha, ka deegaanka iyo shacabka gobolka gabiley waxa uu Dhambaal tacsi ah u dirayaa Qoyska, Qaraabada iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxey Marxuum Maxamed Cabdilaahi Habane “Qojabe”, Oo ahaa Duqii labaad ama Maayerkii labaad ee Degmada Gabiley xiliyadii dib-u-yagleelida Jamhuuriyada Somaliland, Waxaanu yidhi Ilaahey Naxariis waacisa ha ugu deeqo oo qabriga haw nuuro. Marxuumku waxa uu ahaa Mujaahidiintii ka soo qayb-qaatey halgankii hubeysnaa, ee dib uxorayta jamhuriyada Somaliland, Ilaahey ha a dhigo adoon la jecelyahay qabriga ha unuuro Sidoo kale maayarka magaalada gabiley ayaa xusay doorkii uu marxuumku ku lahaa dib-u-dhiskii Qaranka oo uu uga qayb galey masuul ahaan iyo odey ahaanba, Ka dib bilawgii nidaamka dawladnimo waxa uu noqdey masuuliyiintii Gabiley ugu facs-weynd ee ka shaqeeyey dib-u-dhiska hogaamintiisii, Isaga oo noqdey Allaha u naxariistee Maayerka Degmada Gabiley iyo waliba Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale, In badan ayuu qarankiisa iyo umadiisa marxuumku ugu soo adeegay masuuliyad toolmoon Allaha ka abaaliyee maantana waxa hujuumey xaqii lagu xukunaa Naxariis iyo Raxmad ayaan Mawlaha uga dalbaynaa Bi-idmi-laahi tacaalaa, Sidaa ayuu yidhi Duqa magaalada gabiley isagoo matalaya Gole-weynihii Degaanka Degmada Gabiley. Ugu danbayntii waxa uu maayarka Maxamed Amiin xusey in maanta Libdho-galbadkii uu ka baxey Jamhuuriyada Somaliland iyo umada Reer gabileyba odey-weyn, Oo ka mid ahaa hadhacyadii unkay Dawladnimada lagu naaloonayo, Sidoo kale waxa Maayerku si gaara uga tacsiyadeeyey qoyska uu ka baxey Marxuumku ee Reer Maxamed Cabdilaahi Habane, Waxaanu yidhi dhamaantiin iyo dhamaantayoba Ilaahey samiriyo iimaan saadiqa ha inaga siiyo, Aamiin Aamiin Aamiin. Marxuum Maxamed cabdilaahi Qojobe ayaa maalinta bari ah lagu aasidoonaa magaalada hargaysa gaar ahaan xabaalaha baqiic.
Related posts:Diihaalka Tahriibka iyo Darxumada Faraha Yurub ee Dadka Qoxoootiga ah (Dublin). Q-1aad. Faallo: Must... Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha Ee Gobolka Sanaag Oo Kormeer Ku Tagay Beeraha Wax Soo Saarka Ee Ku Te... Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Kulamo Muhiim la yeeshay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Norway, Geneva K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|