|
|||||
WAJAALE NEWS
Kulan ka Qabsoomay Madaxtooyadda Jsl Oo Lagu Go’aamiyey In Aan Waxba Laga Bedelin Jedwalka Diwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka
December 11, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)- Waxa habeenimadii xalay kulan muhiima qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ku yeeshay madaxda axsaabta qaranka, xubno ka mida golaha Wasiirada iyo Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxaanu kulankaasi uu daba socday kulamo hore u dhex maray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, axsaabta qaranka iyo odayaasha gobolada barriga oo uu ujeedkiisu ahaa in dib loo eego jedwalka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka oo hore ay u dejiyeen komishanka doorashooyinku; kana bilaabmay gobolada galbeedka Somaliland, iyada oo la filayo in 13-12-2020 ka bilaabmanto gobolada barriga Somaliland. Waxaana kulamadaasi lagu go’aamiyey in lagala tashado oo loo bandhigo komishanka doorashooyinka qaranka inay wixii suuragala ay dib u eegaan, waxana isla kulankaasi loogu yeedhay guddida doorashooyinka oo iyaguna cadeeyey in wakhtigu ku yar yahay, suurta galna aanay ahayn in ay mar kale dib u eegis ku sameeyaan wakhtiga diwaangelinta codbixiyeyaasha in dib loo dhigo, madaama wakhtigu is-riixayo. Waxaana si wada jir ah warbaahinta ula hadlay madaxda axsaabta qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka oo fariin u diray gobolada codsiga hore u soo gudbiyey inay u diyaar garoobaan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha wakhtigii hore loogu asteeyey inay kaga qabsoonto goboladaasi. Related posts:Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Soo Bandhigay Qodobo Muhiim Ah Oo Lagu Xalin karo khilaafka Cusub E... Daawo:Kulan Balaadhan Oo Lagaga Wada Xaajoonayo Amniga Oo Ay Wada Yesheen Somaliland Iyo Ismaamulka ... Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Kulan La Qaatay Ergeda Beesha Warsangeli Ee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|