|
|||||
WAJAALE NEWS
Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ku Baraarujisay Wakhtiga Ay Ku Beegan Tahay Xuska Siyaaradda Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn
December 30, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha & Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab) ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey wakhtiga ay ku began tahay Xuska Munaasibada Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn, Aw-barkhadle oo ku began 17 bisha Jamaadul Awal 1442 oo waafaqsan habeenka curashada sannadka miilaadiga ah ee 1 january 2021 . War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta guud ee Jimciyatul Axbaab ee Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- WAR-SAXAAFADEED Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab), oo ah jimciyad khayriya oo xarunteeda guud tahay caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxa ay Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ogaysiinaysaa isla-markaasina ku boorinay-saa in ay u diyaar-garoobaan xuska munaasibada Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn, Aw-barkhadle oo ku began habeenka Jimcaha ee 17 bisha Jamaadul Awal 1442 oo waafaqsan habeenka curashada sannadka miilaadiga ah ee 1 january 2021 . Siyaarada Sheekha ayaa waxaa lagu qaban-doonaa sidii awal-ba caadada ahayd Qudbiga Sheekha ee deegaanka Aw-Barkhadle oo 30-km dhinaca bari ka xiga caasimada Hargeysa, kaasi oo sanad walba si joogta ah loogu qabto xuskani sheekha oo loo yaqaano Jimce Barkhadle Hadaba Jimciyatul Axbaab waxa ay kugu baraarujinaysaa isla markaana kugu boorinaysaa inaad kasoo qayb-gashid xuska Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw-Barkhadle) oo ahaa macalinkii diinta ina soo-gaadhsiiyey. Alla Mahadleh Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi Nuur Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Related posts:Dawlada Jabuuti Oo War Kasoo Saartay Wada-hadalka Somaliland Iyo Somaliya Uga Furmaya Caasimada Ja... DAAWO;-Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Aqbalay Musharax Yaxye Araarse Oo Usharaxan Golaha Wakiilada Ee G... Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland oo Faah-faahin Ka Bixiyay Halka Ay Marayso Diwaan Gelinta Hantid... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|