“Hadalkan Wasiirka Oo Dabcan Ah Hadalkii Madaxwaynihiisa, Marka La Eego Waxa La Odhan, Farmaajo Waa Dhidar Onkod Kiciyay”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hadalkan Wasiirka Oo Dabcan Ah Hadalkii Madaxwaynihiisa, Marka La Eego Waxa La Odhan, Farmaajo Waa Dhidar Onkod Kiciyay”Siyaasi Cali Guray.
December 15, 2020 - Written by Editor:

LAQANTOOYO SOOMAALI BAA LURI CALOOSHAYE. LUUFLUUFTADAASAAN U DHIMAN LAAFO LUGUDKEEDE!

Hadalkan Wasiirka oo dabcan ah Hadalkii Madaxwaynihiisa Marka la Eego Waxa la Odhan Farmaajo waa Dhidar Onkod Kiciyay. Farogelinta Uu Sheegay In kastoo Aanu cadayn ee Hadda ku keliftay in uu Xidhiidhka u gooyo Kenya ma mid cusub Oo ka duwan tii hore ee weligiiba uu sheegi jiray baa? hadii Eedihii hore ay tahay oo aan wax cusubi jirin mar hore ayuu Go’aankan qaadan lahaaye waxa keliya ee cusub ee labadan Maalmood ku soo kordhay waa waftiga Madaxwaynaha Somaliland ee Madaxwaynaha Kenya uu martiqaadday? Hadaba maaha markii ugu horeysay Somaliland ee Madaxwayne xilka haya uu martiqaad ka helo dawlad kale ee Way jireen kuwo horeba intii Farmaajo uu xilka hayay iyo ka Horba. Sidaa daraadeed waxa la odhan karaa arinta go’aanka Farmaajo xiligan waa dagaal cad oo aan ku wajahnayn Kenya Balse ku wajahan Somaliland. Waayo xataa arimaha laga wada Hadlay maaha kuwo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed waana Xidhiidh horeba ay Somaliland ula lahayd wadamo dhawr ah Sida kuwa jaarka ee Itoobiya iyo Jabuuti iyo wadamada Khaliijka Sida Imaaraadka carabta kuwaas oo isugu jira arimo iskaashi Dhinacyada nabadgelyada, ganacsiga, isu socodka, dhaqaalaha Iwm. Wadamadaasi ma jiro waddan keliya oo Dawladda Somaliya ay xidhiidhka u goysay. Markaa waayo Kenya? Jawawbtu ma adka. Farmaajo waxa iskaga qaldan cilaaqaadka Aan fiicnayn ee ka dhaxeeya dawladdiisa iyo dawladda Kenya Oo Somaliland aan wax ka khuseeyaa jirin iyo cadaadiska Gaarka ah ee sida gaarka ah uu ugu hayo Somaliland oo aan Ahayn Dawladda Somaliland cidda uu had iyo goor ku Dhibtaaye ay tahay dadka Somaliland. Nasiib darro isaga oo Hadana midnimo Somaliyeed oo afka baarkiisa ah mar kasta ka Hadla.

Dhinaca Somaliland midnimada uu ka hadlaa cid kale kuma Xidhna ee waxay ku xidhan tahay dadka Somaliland oo iyagu Xaq u leh inay ka tashadaan mustaqbalkooda. Halkii hadalkiisu Uu xodxodasho iyo beer laxawsi ka noqon lahaa wuxu mar Kasta tusiyaa dadka Somaliland xin iyo xaasidnimo loo qaato in Uu ka naxo kana xumaado wax kasta oo ay dadka Somaliland u Arkaan wax u soo korhday oo wanaag ah. Taas oo markaasi ah Ama loo tarjumi karo in uu ka xun yahay nolosha dadka Somaliland. Markaa waa maxay micnaha wadahadalada Munaafaqadda iyo kuligoodba beenbeenta ah iyo natiijada aan Mur iyo deebaaq ahayn ee uu ka filan karo dadka uu Xumaantooda hadh iyo habeen u tafo xaydan yahay.

Qodobada heshiiska dhex maray waftiga Madaxwaynaha Somaliland waxa ugu mudan in Kenya oo Somaliland intii ay Jirtayba xafiis ku lahayd Nairobi ay markan iyaduna xafiis ka furan doonto Hargeysa, sida ka Itoobiya iyo Jabuuti oo kale ah. Taas oo aad uu uga xun yahay Madaxwayne Farmaajo. Dhinaca Isu socodka waxa muhiim ah in duulimaadyo Shirkadda Kenya Airways ay bilowdo khad Nairobi iyo Hargeysa ah. Farmaajo Wuu og yahay in Hargeysa aanu isagu ka talin balse isagoo oo Aqoonsiga Somalia oo uu u haysto in wax isagu shakhsi ahaan Iska leeyahay una adeegsada had iyo goor in uu ku dhibaateeyo Dadka Somaliland waxa laga yaabaa in uu ka horyimaado ee markaa waa ayo cidda uu colaaddiisa iyo dagaalkiisu ku socdaa? Dabcan waa shacbiga Somaliland. Waxa uu se ka helo ayuu leeyahay

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS