DAAWO;-Xildhibaan Musharax Iid Saleebaan Oo Olole Wacyigalinta Isdiwaangalinta Ah Ku Tagay Deegaano Katirsan Gobolka Saaxil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Xildhibaan Musharax Iid Saleebaan Oo Olole Wacyigalinta Isdiwaangalinta Ah Ku Tagay Deegaano Katirsan Gobolka Saaxil.
December 11, 2020 - Written by Editor:

SAAXIL(W,N)-Mushraxa Xildhibaan Iid Saleebaan Cali ayaa Olole Uu Bulshada ku dhaqan deegaanka laas geel iyo deegaano kale oo hoos yimaada degmada dacar budhuq  ee gobolka saaxil ku wacyigalinayo in ay isdiwaan galiyaan oo ay qaataan kaadhka codbixinta Ku tagay taasi 13 bisha ka bilaambaysa gobolka saaxil.

Xildhiban iid Saleeban Cali Oo markale u taagan murashaxnimada golaha deganka degmada berbera Ayaa halkaasi waxaa kusoo dhaweeyay madaxdhaqameedka, dhalinyarada iyo haweenka ku dhaqan deegaanadan oo taageeray musharxnimadiisa markale ee golaha deegaanka Degmada berbera.

Sidoo kale xildhibaan iid oo kamid ah xubnaha hore loosoo tijaabiyay waxbadkiisa ayaa waxgaradka iyo haldoorka deegaanada uu kormeeray sheegeen in musharax  iid yahay xildhibaan waxqabadkiisa la arkay ismarkaana ay diyaar yihiin In markale usoo doortaan golaha deegaana degmada berbera oo ah golaha kaliya ee kazoo baxay wixii ay bulshadu udoorteen ee golayaasha deegaanada dalka oo dhan.

Dhanka kale xildhibaan iid ayaa bulshada ugu baaqay in ay isdiwaan galiyaan qaataana kaadhka codbixinta wixii aan hore uqaadan iyo wixii qaad gaadhay isagoo sheegay in uu diyaar uyahay isla isla xisaabamo mudadii uu xildhibaanka ahaa ay deegaanka ka hirgaliyeen xarunta maamulka iyo waxqabad kale.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS