DAAWO;-Musharax Muj Cismaan Awr-liqe Iyo Axmed Kaare Oo Soo Kormeeray Deegaano Katirsan Gobolka Maroodi Jeex Ee Ay Diwaan Galintu Ka Socoto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Musharax Muj Cismaan Awr-liqe Iyo Axmed Kaare Oo Soo Kormeeray Deegaano Katirsan Gobolka Maroodi Jeex Ee Ay Diwaan Galintu Ka Socoto.
December 17, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Musharax Muj Cismaan Awr Liqe oo kamid ah Saraakiishii SNM ee hormuudka Ka ahaa halgankii dib uxoraynta Somaliland kana mid ah xubnaha hada usharaxan xildhibaanada Golaha deegaanka ee caasimada hargaysa oo uu weheliyo Musharax Axmed Kaare oo isna usharaxan golaha wakiilada ee gobolka maroodi jeex ayaa kormeer ujeedadiisu ahayd sidii ay ugu kuurgali lahaayeen sida ay diwaan galintu usocoto kusoo maray deegaanada garabis,wado bariis iyo deegaano kale oo katirsan gobolka maroodi jeex.

Sidoo kale Muj Cismaan Awrliqe ayaa shacabka ku dhaqan deegaanada ugu baaqay in ay kaadhka codbixinta qataan isagoo  xasuusiyay halgankii iyo waxyaabihii ay usoo mareen in Somaliland manta noqoto dalka ay ka dhacayaan doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS