DAAWO;-Musharax Maxamed Soobe Oo Kormeeray Goobaha Ay Ka Socoto Diwaan Galinta Ee Caasimada Iyo Xaafad Dhan Oo Aan Lahayn Meel Ay Iska Diwaan Galiyaan + Fariinta Uu Udiray Komishanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Musharax Maxamed Soobe Oo Kormeeray Goobaha Ay Ka Socoto Diwaan Galinta Ee Caasimada Iyo Xaafad Dhan Oo Aan Lahayn Meel Ay Iska Diwaan Galiyaan + Fariinta Uu Udiray Komishanka.
December 15, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Musharax Maxamed Xuseen Nuur (maxamed soobe) oo kamid ah xubnaha usharaxan golaha wakiilada ee gobolka maroodi jeex ayaa maanta kormeer kusoo maray goobaha ay ka socoto diwaan galintu ee magaalada hargaysa.

Sidoo kale musharax maxamed soobe ayaa booqday xaafada deegaanka malowle ee dhawaan la jiyay dadkii laga raray Xaafada 150 iyo sheedaha kuwaasi oo aan xukuumada iyo komishankuba usamaynin meel ay iska diwaan galiyaan

Dhanka musharax soobe ayaa komishan doorashooyinka ugu baaqay in bulshadan la hagraday ee degan xaafada magaalada Biixi ay u keenaan goobo ay iska diwaan galiyaan mudo dheeraadana la siiyo. Isagoo dadka xaafadani ku dhaqan ay dhankooda baaq culus udireen xukuumada iyo haayadaha ay khusayso

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS