DAAWO;-Musharax Macalin Maxamed Somali Oo Shaaciyay In Uu Sharaxan Yahay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Gobolka Maroodi Jeex. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Musharax Macalin Maxamed Somali Oo Shaaciyay In Uu Sharaxan Yahay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Gobolka Maroodi Jeex.
December 21, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Macalin Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Somali) Oo Kamid Ah Barayaasha Jamhuuriyada Somaliland ee Wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalka Iyo jaamacdaha qaar ayaa shaaciyay in uu Usharaxan yahay xildhibaanada golaha wakiilada ee gobolka Maroodi jeex Isagoo door laxaadle ka qaatay sidii kumanaan kamid ah ardayda reer somaliland uu u soo saari lahaa.

Sidoo kale musharax maxamed somali oo si rasmi ugu Dhawaaqay in uu utartamayo mudanayaasha golaha wakiilada Ee doorashada soo socota ayaa fariin muhiim ah udiray Shacabka somaliland gaar ahaan ardaydii uu mudada wax soo Barayay isagoo ugu baaqay in ay isdiwaan galiyaan oo ay Qaataan kaadhka codbixinta.

Dhanka kale musharax maxamed Somali ayaa faah faahin ka Bixiyay waxyaabaha ku Kalifayy in uu isku soo sharaxo golaha Wakiilada jamhuuriyada somaliland. Isagoo mudo dheer ka Shaqaynayay Arimaha bulshada iyo sidii ay usii bixi lahaayeen Arday aqoon fiican leh isagoo kamid ah macalimiinta loogu jecel Yahay ee wax ka dhiga dugsiyada sare ee caasimada Somaliland.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

 

COMMENTS
LINKS