DAAWO;-Muj Khaalid Cabdilaahi Falaago Oo Shaaciyay In Uu Usharaxan Yahay Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Muj Khaalid Cabdilaahi Falaago Oo Shaaciyay In Uu Usharaxan Yahay Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa.
December 9, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)-Muj/Siyaasi Khaalid Cabdilaahi Maxamed ” Falaago” oo ka mid ah  mujaahidiinta dalkan isagoo dayar usoo halgamay kana mid ah  siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa maanta shaaciyay inuu yahay murashax u tartamaya xildhibaanimada golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa.

Muj Khaalid ayaa  sidoo kale shaaciyay in uu ka sharaxan yahay xisbiga mucaardika ah ee Waddani, isagoona xisbiga ka mid ahaa tan iyo markii la aasaasay.

Dhawaaqa kasoo baxey, Siyaasi Khaalid Cabdilaahi Falaago ee ku shaaciyay hankiisa murashaxnimada golaha deefaanka Hargeysa ayaa noqotay mid ay siweyn u soo dhaweeyeen shacbka Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Dhanka kale Siyaasi Khaalid Cabdilaahi Falaago ayaa dadweynaha ku dhaqan guud ahaan gobolka maroodi jeex ugu baaqay inay is diwaan geliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixinta.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS