DAAWO;-Beesha Abokor Ciise Oo Shaacisay Murashixinta Umatalaya Wakiilada Iyo Deegaanka Ee Gobolka Saaxil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Beesha Abokor Ciise Oo Shaacisay Murashixinta Umatalaya Wakiilada Iyo Deegaanka Ee Gobolka Saaxil.
December 28, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxdhaqameedka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha abokor ciise (ciise muuse/) oo magaalada hargaysa ku qabtay munaasibad ayaa shaaciyay laba musharax oo beeshu isku raacday in ay uga kala tartamaan golaha wakiilada gobolka saaxil iyo golaha deegaanka degmada berbera.

Labada xubnood ee beesha abokor ciise usoo kala xusheen golaha deegaanka berbera iyo golaha wakiilada gobolka saaxil ayaa kala ah

1;Aqoonyahan Cabdilaahi Daahir Guuleed uu sharaxan golaha wakiilada ee gobolka saaxil.

2;Xildhibaan Iid Saleebaan cali oo usharaxan golaha deegaanka degmada berbera oo uu hore uga mid ahaa beeshuna isku raacday in markale lasoo celiya.

Odoyaasha ,waxgaradka haldoorka beeshan ee munaasibada ka hadlay ayaa dhamaan muujiyay taageerada ay la barbar taagan yihiin laba musharax ee ay beeshu isku raacday oo ay sheegeen in ay yihiin masuuliyiin ay usoo xuleen in qaranka iyo shacabkoodaba matalaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS