Baarlamaanka Dalka UK Oo Ansixiyay Heshiiska Ka Bixitaanka Britain Ee Midowga Yurub. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baarlamaanka Dalka UK Oo Ansixiyay Heshiiska Ka Bixitaanka Britain Ee Midowga Yurub.
December 30, 2020 - Written by Editor:

London(W,N)-Xildhibaannada Aqalka Wakiilada ee Boqortooyada UK ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska kaddib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Heshiiskan ayaa waxaa u codeeyeen 521-73 xildhibaan.

Ra’iisal Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa ku boorriyay baarlamaanka inay taageeraan heshiiskiisa kaddib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Wuxuu sheegay in heshiisku uu oggolaanayo in ganacsatada ay xidhiidh ganacsi oo ballaadhan ay la yeeshaan Midowga Yurub, mid ka ballaadhan kii markii ay Britain ka tirsaneyd suuqa qura ee Midowga oo ay isaga baxayso Jimcaha.

Wuxuu sheegay in heshiisku aanu ahayn dhammaad balse uu yahay bilow. Wuxuu xusay inuu bog cusub ka furi doono taariikhda qaranka, uuna waddo fiican u horseedi doono Britain.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ee Brussels ayaa hore u saxeexay heshiiska.

Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay inay tahay xilligii Britain la iska illaabi lahaa. Wuxuu heshiisku soo afjarayaa kala go`id soo bilaabatay afar sano iyo badh kahor markii codbixinta aftida la qaaday lagu go`aamiyay in UK ay isaga bixi doonto Midowga Yurub.

Boqortooyada Midowday (UK) waxay ka baxday Midowga Yurub ku dhowaad sanad ka hor, laakiin waxay ku sii jirtay isku soo dhaweynta dhaqaale ee ururka intii lagu jiray xilliga kala guurka oo ku ee saqda dhexe wakhtiga Brussels – – 11 pm London – Khamiista.

 

COMMENTS
LINKS