Aqoonyahan Fashiliyay Qorshaha Dawlada jibouti Ku Doonayso In Ay Ceelal Biyo Ah Ka Qodoto Xeebta Saylac Ee Jsl! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoonyahan Fashiliyay Qorshaha Dawlada jibouti Ku Doonayso In Ay Ceelal Biyo Ah Ka Qodoto Xeebta Saylac Ee Jsl!
December 29, 2020 - Written by Editor:

“Waxaan Jecelahay In Aan Warbixin Ka siiyo, Inta Jecel Shacabka Somaliland In Ay Fahamto Mashuurca Biyaha Ee Ay Djibouti U Socoto ”Aqoonyahan kayse,

Horta biyaha cida doonaysaa maaha Djibouti… ee waa Dawladda Saudi Arabia… oo dadkeedu kutiirsan yihiin cabitaanka biyo la sifeeyo 90%….. Djibouti waa dal yar oo dadka ku nooli ma gaadhaan 1,000,000  (hal million oo qof)..

Haddaba aan u soo dego arrinta mashruucan biyaha…. Sanadkii 2005 tii ayuu Madaxweynaha Djibouti Ismail Cumar Geelle .. la soo xidhiidhay madaxweynihii wakhtigaas ee Somaliland H.E. Daahir Rayaale Kaahin… waxaanu ka dalbaday in meesha la yidhaa CEELGAAL oo ka mid ah degaanka Somaliland ee gobolka AWDAL… meeshu waa degaan saxaare lama degaana, balse waxay leedahay Webi Dhulka hoostiisa mara (Underground River) oo halkaas bada kaga dara..

Haddaba Webigan dhulka hoostiisa mara ayaa ah biyo Macaan oo ku haboon cabitaanka biyaha ee aadamuhu u baahan yahay…. Kadib dalka Saudi Arabia oo dadkiisa u raadinaayey biyo Dabiici ah (Natural Water for Human Consumption) ayuu Ismaciil Cumar Geelle doonayey in laga iibiyo, isla markaana uu isagu (Ismail Cumar) ka noqdo dilaal ka iibiya oo dhuumaha qaadaya Biyaha la mariyo Djibouti…..

Markay halkaas marayso Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin..wuxuu ka dalbaday labada dalba ( Djibouti iyo Saudi Arabia) in ay aqoonsadaan Somaliland inta aan hawsha la gudo galin…… Taasina Ismaaciil Cumar Geelle waa ka joogsaday.. sidaas ayuuna hawshaasi berigaa isku taagtay.

Haddaba.. bulshada la wadaagi lahaa ..horta mashruucani waa fursad aad u qaaliya Somaliland na wey u baahan tahay in ay wadamadan biyahan khayraadkeeda ah ka iibiso… ….. Balse marka hore waa in ay ina Aqoonsadaan, isla markaana Ciidamadda ilaalinayaa ay inaga ahaadaan……. Balse haddii xukuumada maanta joogtaa inta ay gacanta dhiibto……kadibna Mashuuraca Biyo SooSaarka lagu qoro IN BIYAHA LAGA CAAWINAAYO SOMALILAND ISLA MARKAANA LA KEENSADO CIIDAMO ILAALINAYA HAWLWADEENADA SOMALILAND BIYAHA U SAMAYNAYA EE DJIBOUTIAN-KA IYO SAUDIAN-KA AH…oo intaas dunida la hor dhigo dee dal la inaga qabsaday oo la iska maamushay ayuu noqon … waligeedna ciidamada ay keensadeen ayaa u ilaalin… inaguna sida CAWSHA ayeynu dusha ka daawan….

Dhinaca kale sida ay qortay wakaaladda wararka ee Saudi Arabia (WAS), bishan aynu ku jirno ee December 16, 2020, waxaa kulan wada qaatay Safiirka u fadhiya Saudi Arabia dalka Djibouti iyo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Djibouti ( Maxamuud Cali Yuusuf), sida war bixinta lagu sheegay waxay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya labada dal oo ay ka mid tahay xoojinta iskaashiga labada dal

https://www.spa.gov.sa/viewfullstory.php?lang=ar…

Haddaba muwaadin bal dhugo xidhiidhka ka dhexeeya mudada ay kulmeen Safiirka Saudi Arabia u fadhiya Djibouti iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf,…… kulankaas kadib waxaa la casuumay 5 maalmood kadib oo ku beegnayd 22 December 2020, ka Madaxmeyne Muuse  Biixi Cabdi…….halkaas waxaad ka dhugan kartaa xidhiidhka aan qarsoodiga ahayn ee ka dalabkii hore ee Madaxweyne Geelle mudo laga joogo 15 sano uu ka dalbaday madaxweynihii wakhtigaas ee Somaliland . H.E. Daahir Rayaale Kaahin.

Dhinaca kale waxaan warbaahinta idaacada BBC-da ka maqlay in la furay shalay xadka u dhexeeya Djibouti iyo Somaliland ….goobtaas oo isku gudubka gaadiidka ka xidhnayd tan iyo 2014 kii …. Mudadaa lixda (6) sano ah waxaa la furay markii shalay uu Madaxweyne Muuse ka soo gudbay…. Halkaas waxaa ka muuqada in wali dawladda Djibouti ay inagula dhaqmayso maaweeladii diblomaasiyada ( Dirty Diplomatic Entertainment)

Bal aynu ka dhul sugno marka uu Madaxweyne Biixi ka warbixiyo safarkii uu ku tagay Djbibouti…..

Qalinkii: Aqoonyahan Keyse Amare

Hargaysa Somaliland

 

 

 

COMMENTS
LINKS