“Waxaan Doonaynaa In Aanu Ka Qayb Qaadano Isbadalka Iyo Bilicda Magaalada Wajaale, Waxaanan Ku Bixin Doonaa Dhismaha Wado 2km Ah”.Maayarka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Doonaynaa In Aanu Ka Qayb Qaadano Isbadalka Iyo Bilicda Magaalada Wajaale, Waxaanan Ku Bixin Doonaa Dhismaha Wado 2km Ah”.Maayarka Gabiley.
November 2, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo magaalada wajaale kaga qaybgalay Munaasibad maamulka degmadu qabteen ayaa ka warbixiyay Mashaariicda ay dawlada hoose ee gabiley ka fulisay degmada Wajaale iyo arimaha caafimaad iyo dugsiyada ay gacanta ka Haystaan.

Sidoo kale maayarka magaalada gabiley ayaa shacabka reer wajaale ugu bushaareeyay in ka golaha deegaanka ahaan ay magaalada wajaale ka hirgalin doonaan wado laba killo Mitir ah

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS