Wasiirka Beeraha JSL Oo Meesha Ka Saaray Cabsi Laga Qabey Roobab Dabaylo Wata. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Beeraha JSL Oo Meesha Ka Saaray Cabsi Laga Qabey Roobab Dabaylo Wata.
November 24, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay Roobab Maalmihii u dambeeyay la sheegayey inay dabaylo wataan isla-markaana la saadaalinayey inay dhibaato ku keeni karaan Shacabka Somaliland ee ku nool dhulka Xeebaha ku dhow.

Wasiir Axmed Muumin Seed oo Warbaahinta Xafiiskiisa kula hadlay Maanta ayaa sheegay in Roobabka la saadaaliyey aanay wax dhibaato ahi ka soo gaadhi doonin Shacabka reer Somaliland, sida Saadaashu sheegtayna ay Roobabka dabaylaha wata ee ka da’aya Meelo ka mid ah Badda Hindiya ay marka ay soo gaadheen Xeebaha Somaliland isku beddeli doonaan Roob Shuux ah oo aan wax dhibaato lahayn, sidaasi darteed wuxuu ka digay in Shacabka la wer-wer geliyo

“Duufaanta Gati ee lagu sheegay badda Hindiya innaga wax saamayn ah oo badan innaguma laha, haddii laga tagi waayo, Roobab aan aad u badnayn ayaa waxay ka da’een badhan, Ceerigaabo iyo Ceel Afweyn. Roobabkaasi waxay ahaayeen Roobab iska caadi ah oo aan wax dhibaato ah geysan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa u daray in Roobabka kale ee la saadaaliyey inay da’I doonaana aanay wax dabayl ah ama duufaan ah wadanin “Saaka markii aanu Saadaasha aad u eegnay haba-yaraatee wax dabaylo ah iyo wax duufaan ah oo ay wataan ma jirto.”

Wasiir Seed waxa kale oo uu sheegay “48-ka Saacadood ee soo socda waxa laga yaabaa in Roobabkaasi soo gaadhaan Galbeedka Somaliland, laakiin Roobkaasi waa Roob qabow oo aan wadanin wax duufaan ah iyo wax dhibaato dadka u geysanaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Dhammaan Shacabka reer Somaliland waxaan gaadhsiinayaa, ma jiraan Roobab Duufaano wata oo ku soo waajahan Geyiga Somaliland.”

Wasiir Axmed Muumin Seed wuxuu sheegay in Wasaaradda Beeruhu leedahay Xarun Saadaasha Hawada ah, taasi oo faracyo badan ku leh Gobollada iyo Degmooyinka Dalka isla-markaana ay ka hawl-galaan 84 Qof oo shaqaale ah, kuwaasi oo si joogto ah ula socda Isbeddellada Cimilada Adduunka iyo ta Somaliland-ba “55 Xarumood oo Saadaasha Hawada ah ayaanu ku leenahay Saylac illaa Badhan, waxaana ka hawl-gala 84 oo uu Agaasinka Waaxdaasi oo uu xidhiidh la sameeyo Maalinba, isagoo waydiiya waxa innagu soo waajahan..”

Wasiirku wuxuu Farriin u diray Badhasaabbada Gobolka Dalka, waxaanu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Hawl-wadeennada Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee ku sugan Gobolada dalka “Waxaan arkayey Badhasaabo ka hadlaya arrintan, waxaan ku war-gelinayaa dhammaan Badhasaabbada Gobollada iyo Maamullada Gobollada JSL inay mar walba sugaan warka ka soo baxaya Horumarinta Beeraha oo Qaranka u qaabilsan inay xaaladdan saadaasha mar walba dadka la Wadaagto..” ayuu yidhi.

 

COMMENTS
LINKS