Wasiir Muumin Seed Oo Lagu Eedeeyey In Aanu Gacan Siin Beeralayda Khudradda Mudadii Saddexda Sano Ahayd Ee Uu Xilka Hayey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Muumin Seed Oo Lagu Eedeeyey In Aanu Gacan Siin Beeralayda Khudradda Mudadii Saddexda Sano Ahayd Ee Uu Xilka Hayey
November 12, 2020 - Written by Editor:

Berbera,- (W,N)- Guddoomiyaha Deegaanka Bixin Duule Cabdi Yuusuf ee gobolka Saaxil ayaa si kulul u eedeeyey Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, waxaanu sheegay in aanu Hargeysa iyo galbeedkeeda aanu soo dhaafin saddex-dii sanno ee uu xilka hayey,isla markaana aanu war ka ahayn beeraladay Gobolka Saaxil iyo degaanada kale ee dalka, marka laga reebo galbeedka dalka,waxaanu Madaxweynaha uu ugu baaqay inuu baddelkiisa Magacaabo

Guddoomiye Cabdi Yuusuf oo la hadlayey Telefishanka HCTV ayuu haddalkiisu uu u dhignaa sidan:”Waxaan odhan karaa Madaxweyne Muuse Biixi weli muu dooranin Wasiirkii Beeraha ee Somaliland,waxa weeyaan Wasiirka Beeraha ee Somaliland maaha mid soo gaadha gobolada dalka ee kale,Hargeysa iyo galbeedkeeda iyo Banka Wajaale ayuu ku hawlan yahay ma wasiirkii Balka ayaa loo doortay mise waa Wasiirkii Beeraha ee Somaliland halkaa laftigeeda waa la is weydiinayaa.” Gudoomiyaha Deegaanka Bixin Duule Cabdi Yuusuf

Dhanka kalene Guddoomiyajha Degaankaas Bixin Duule ayaa sheegay inuu Wasiirka Beeruhu uu muddadii uu xilka hayey aannu soo gaadhin degaanka Gobolka Saaxil iyo beeralaydaas“Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay oo aan halkan uga sheegayaa inuu Wasiirkii Beeraha uu Hargeysa iyo Galbeedkeeda uu soo dhaafi karri la’yahay, Gobolka Saaxil waa Beeralayda ugu mihiimsan Somaliland waayo Hargeysa canbaha gala ee lagu isticmaalo meesha qudha ee uu ka baxaa waa Gobolka Saaxil,dadkii wax lala qaban lahaa ma’aha dadka Balka beeraya ee waa dadka waxa aan dalkeena oolin ee dal shisheeya inooga imanaya beeraya,kuwaas ayaa u baahan in la dhiiri geliyo oo wax lala qabto si loo sii kordhiyo oo aynu baahidii dalka shisheeye aynu uga maarano.”Ayuu yidhi

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Deegaanka Bixin Duule Cabdi Yuusuf ayaa sheegay sidan:-“Madaxweyne Siilaanyo hal mar ayuu wasiir Magacaabay Wasiirkii Geedoole la odhan jiray ninkaas gobolada Somaliland wuu wada mari jiray,lakiin Wasiirka beeraha iminka ma maqal aanu maqalno mise wasaaradda Beerood oo aanu arragno ma jirto, waad na arragtaa hadda hawlaha taagan halkaa dhaam ayaa ah maamulka Gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera ayaa naga caawiyey,Wasiir Beerood iyo weli Hay’adda Wasaarad beeraha ka socota maanu arrag, dadkani iyaga ayaa iskood wax ula soo baxa iyaga ayaa iskood wax u qabsada, markaa waxaan leeyahay muddane Madaxweyne wey dayacantahay Wasaaraddii beeruhu ee Wasiirkii Beeraha ee saxda ahaa Madaxweyne soo magacow oo kan Balka ka daa’dee.”ayuu yidhi

 

COMMENTS
LINKS