|
|||||
WAJAALE NEWS
Villa Somaliya Oo Cabsi Weyn Ka Muujisay Shir Siyaasiyiin Ka Socota Somaliland Kaga Qaybgaleen Magaalada Nairobi.
November 2, 2020 - Written by Editor:MUQDISHO(W.N)-Maamulka muqdisho ee madaxwanye farmaajo ayaa sas ka qaaday shir siyaasiyeen iyo Madaxdhaqameed reer Somaliland ahi kaga qaybgaleen Magaalada Niarobi ee dalka Kenya kaasi oo beelaha dir kaga arinsanayeen doorashada somaliya iyo saamiga ay ku leeyihiin golaha baarlamaanka. Shirkan oo ay kasoo dhex muuqdeen siyaasiyiin reer Somaliland oo uu hormuud ka yahay Gudoomiyaha xisbiga Ucid,siyaasi Qabo, siyaasi rashiid jaamac dhari oo katirsan hogaanka sare ee xisbiga wadani iyo madaxdhaqameed reer Somaliland ah ayaa wuxuu cabsi ku abuuray maamulka somaliya. Sidoo kale Wasiirka warfaafinta ee dhawaan uu magacaabay raysal wasaraha cusub ee Somaliya Cismaan Dube oo isagu Ah Masuul ku cusub siyaasada ayaa baahiyay qoraal ay ka muuqato cadho iyo bisayl la,aan siyaasadeed oo uu sitoos ah ugu Afgalaadeeyay siyaasiyiintii reer Somaliland ee ka qaybgalay shirkaasi oo uu ku eedeeyay in ay midnimada somaliya hortaagnaayeen 30sano. Hadal kasoo yeedhay wasiirka warfaafinta somaliya ayaa banaanka keenay cabsi iyo saska ay shirkaasi ka qaadeen maamulka madaxwayne farmaajo. HALKAN KA DAAWO WARKAN OO FAAH FAAHSAN; Related posts:Raysal-wasaaraha Somaliya Oo Ka Horyimid Mudo Kordhintii Farmaajo, Soona Dhaweeyay Go,aanka Maamul G... DAAWO ; Madax Dhaqameedka Beelaha Garxajis Oo Soo Saaray Go'aamo Culus Oo la Xidhiidha Shir Ay Bees... Maayarka Magaalada Gabiley Oo Ka Warbixiyay Dugsi Farsamada Gacanta Oo Ay Ka Hirgalinayeen Gobolka G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|