Somaliland:Isbarbardhiga Lagu Samayn Jirey Trump Iyo Biixi Waayadii Uu Ololaha Madaxweynaha Kujirey 2016 Iyo Masaha Xiligan Ee Dayrada Natiijada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland:Isbarbardhiga Lagu Samayn Jirey Trump Iyo Biixi Waayadii Uu Ololaha Madaxweynaha Kujirey 2016 Iyo Masaha Xiligan Ee Dayrada Natiijada!
November 6, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Waxyaabaha gu Xiisaha badan Xiligii uu Murrashaxa u ahaa jagada Madaxweynaha Hadaladiisii Kaambaynka ololuhu Waxey Soo Jiiteen Dunida oo Dhan ,Maadaama ay u Badnaayeen Cusuriyad, Hadalo Gole Ka Fuul Ah oo Fudeyd Badani Ka Muuqdo, iyo Kuwa Aan Loo Meel Dayin, oo isugu jirey Fajac, Ruwaayad, iyo Cabsi intaba halka Henery Clinton oo aheyd Haweeynaydii lanTartamaysay Khudbadaheeda ololuhu u Dhignaayeen Kuwa Si Cilmiyaysan u Dhignaa.

Marka aynu Dib ugu Nqoono Xiligaa Somaliland laf ahaanteeda, Waxa maalmahaa Murashax u ahaa jagada Madaxweyne Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaam Maxamed Cabdilaahi(Ciro), iyo Waliba Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Ucid.

Waxa Xusid Mudan in Loolanka ugu adagi,u Dhexeeyay Madaxweyne Biixi oo ahaa Murashaxii Kagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Candiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) Murashaxii Madaxweyne ee Xisbiga Waddani dad badan oo katirsanaa xisbiga Waddani ayaa Xiligaa Isbarbar-dhig ku Samayn jirey ololaha Trump Fudeydkiisii Dunidu La Yaabanayd Xiligaa iyo Ololihii Madaxweyne Biixi ee Doorashada iyadoo Qof Waliba Aaminsanaa Somaliland iyo Afrikaba Marka laga tago Dunida kale oo dhan in aanay Suurtagal aheyn in Trump Madaxweyne Ka Noqdo Dawllada Mareykanka haseyeeshee, Waxa mar kaliya Laga wada Baxey Somaliland Gudaheeda Kadib Markii,;uu Si Lama filaan ah Doorashadii Mareykanka ugu Soo Baxey, iyadoo la Joojiyay Dhamaanba Iidhadii iyo Isbarbardhigii Lagu Samayn Jirey Meelaha ay iskaga eegyihiin Ololaha Biixi iyo Ololaha Trump.

Sikastaba ha ahaatee, Trump Madaxweynihii Mareykanku Wuxuu xilkii ka degayaa Maanta isagoo, Ku Doodaya in Doorashadii Lagaga Shubtey Sidii Ay u Badneyd ama aheyd Doodii iyo khilaafkii Natiijadii Doorashadii Somaliland ka dhalatey, Waxaanay dad badani isbarbardhig Ku Samaynayeen Doodii Gudoomiye Ciro, ee hadaladii Natiijada Doorashada uu Ku Durey Xiligaasi Tusaale ahaan, Dad dhintey ayaa codeeyay oo Trump laf ahaantiisu Isticmaalay isla si lamid ah Sidii

Cabdiraxmaan(Gudoomiyaha Waddani), Gabagabadii Qormadan Kooban Inkastoo aanay Somaliland Doorasho diyaar ka aheyn, Khusuusan Madaxtooyo hadana Malaga Yaabaa in ay Madaxweyne Biixi Lama filaan Ku Noqoto Sida Saaxiibki Trump.

FAALADII SAXAFI CABDIRAXMAAN HIIRAAN

HARGEISA SOMALILAND

 

COMMENTS
LINKS