|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkii Golaha Wasiirada Jsl Oo Maanta La Horkeenay Odoroska Miisaaniyada 2021!
November 26, 2020 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED: 26/11/2020 Golaha Wasiirrada Somaliland Oo La Horkeenay Miisaaniyad Sannadeedka 2021. Fadhigii 67aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo maanta la horkeenay miisaaniyad sannadeedka 2021-ka. Ugu horrayn wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, ayaa warbixin golaha ka siiyey xaaladda caafimaad ee dalka iyo heerka uu marayo xanuunka safmarka ah ee covid 19 oo caalamka ku soo laba kacleeyey, dalka Somaliland-na ka jira, kaasoo saamayn ku yeeshay mar kale caafimaadka bulshada, isagoo wasiirku ku dheeraaday dedaalka wasaaraddu ugu jirto la dagaallanka covid 19, waxaanu madaxda iyo shacbiga ku adkeeyey inay ka feejignaadaan fiditaanka xanuunka koroona fayras, una hoggaansamaan awaamiirta caafimaad ee lagaga hortagayo. Wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha horkeentay Oddoroska miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka, waxana golaha sharaxaad ka siiyay wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta maaliyadda isagoo dul istaagay qaybaha miisaaniyaddu ka kooban tahay iyo meelaha ay diiradda saarayso, wuxuuna xusay inay dalka soo food-saareen xaalado dhaqaale oo ay sababeen covid 19, Ayaxii dalka ku habsaday iyo hakintii arrimaha xajka kuwaasoo saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalihii dalka, waxaanu tilmaamay in ganacsatada iyo cashuur bixiyeyaasha dalku ay door muuqda ka qaateen bixinta cashuuraha ku waajibay si ay u daboolanto miisaaniyaddii hore ee ay caqabaduhu soo wajaheen. Ugu danbayn miisaaniyadan 2021 waxay miisaaniyad sannadeedkii hore ka badnaan doontaa 2.7%, waxana goluhu gudo galay doodda iyo falanqaynta miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka, iyadoo goluhu ku ansixin doono fadhiyada dambe. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Guddoomiye Cirro Oo Fadhigii Golaha Wakiilada Soo Xidhay, Cali iyo Baashe Oo Mudenayaal Dhaarsan Ku ... Daawo:“Xaalada Maanta Dalka Ka Jirtaa Waa Mid Cakiran,Abaaro Laga Wada War Hayo Ayaa Dalka Ka Jira,S... DAAWO;Wafti Balaadhan oo ka Qayb Galaya Aqoonsiga Golaha Deegaanka Cardiff,UK ku Aqoonsanayaa Mada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|