|
|||||
WAJAALE NEWS
Safiirka Taiwan U fadhiya Somaliland Oo Booqasho Ku Tagay Berbera Iyo Maareeyaha Dekedaha Oo Soo Dhaweyn ku Qaabilay…
November 8, 2020 - Written by Editor:Berbera(W,N)-Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Dekeda Berbera maanta ku qaabilay Safiirka dalka Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Md. Mr. Allen C. Lou iyo wafti Diblumaasiyiin ah oo u horkacayey. Waftiga uu horkacaayo Ambassador Mr. Allen C. Lou, ayaa ku indho-daraan-daray horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera, isla markaana waxay waftigu soo Dhoweyn Balaadhan kala kulmeen Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, oo uga warbixiyey hiigsiga ay ku jihaysan tahay qorshayaasha mustaqbal dhow inay Dekeddu noqoto mid Kulmisa Badeecadaha Daafaha dunida u kala goosha. Waftiga uu hoggaaminayo Danjire Mr. Allen C. Lou iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid, waxay si mug leh uga wada-hadleen iskaashiga labada dawladood iyo kobcinta dhaqaalaha, isu Socodka ganacsiga labada wadan iyo weliba arrimo kaloo badan. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan, kaasoo u dhigan. “Waxaannu Saaka Kulan muhiim ah ku wada qaadanay Gudaha Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, Safiirka Taiwan uu Fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Mr Allen C. Lou iyo Wefti u hoggaaminayay. Kulanka oo aannu kaga wada-hadalnay bilawga Xidhiidh Iskaashi oo dhinaca Dekedaha Taiwan iyo Dekedaha JSL ah, Sidoo kale, Waxaannu ka wada-hadalnay, Sidii Shirkadaha ka Shaqeeya Hawlaha Maraakiibta ee Fadhigoodu yahay Dalka Taiwan ay u isticmaali lahaayeen Dekedda Berbera. “Kulankan Ay Wadda Yeesheen Maamulka Dekeda Berbera Iyo Safiirka Dalka Taiwan Ujooga Somaaliland Ayaa Ah Mid Dhabaha Uxaadhaya Iskaashiga Dhinaca Ganacsiga Ee Dekeda Berbera Ay Layeelan Karto Dalka Taiwan. Maareye Dekeda Berbera Said Hassan Abdilaahi Ayaa Waayadii Danbe Dadaal Ugu Jiray Sidii Uu Dekeda Berbera Unoqon Lahayd Mid Xidhiidh-lale dalalka Danaynaaya Somaaliland Ee Waxaana Ay Tartan Dekeda Berbera Ugu Jirtaa Inay Kamid Noqoto Dekedaha Kuyaala Mandaqada Ka Agdhow. Kulankan Safiirka Dalka Taiwan Layeeshay Maareeyaha Dekeda Berbera Ayaa Kusoo Dhamaaday Jewi Farxadeed”. Related posts:Wasaaradaha Degaanka,Macdanta, iyo Ganacsiga Oo Iska Kaashanaya Qorshe Muddo Kooban Lagu Joojinayo I... DAAWO; Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar Oo Kulan Muhiim Ah Magaalada Jig Jiga Kula Yeeshay B... DAAWO; Aas Qaran Oo Hargaysa loogu Sameeyay Dadkii Ku Naf waayay Shilkii Naxdinta Badnaa ee Shalay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|