|
|||||
WAJAALE NEWS
Ruushka Oo Ku Baaqay In Deg-deg Dib Loogu Bilaabo Wada-hadalladii Somaliland Iyo Somaliya!
November 25, 2020 - Written by Editor:New York (W,N)-Dawladda Ruushka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay Wada-hadalladii hakadku ku yimid ee u socday Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya. War qoraal ah oo shalay ka soo baxay Ergada Dawladda Ruushka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa waxa Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo lagu bogaadiyey horumar la sheegay in Dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedyada Soomaaliya ka gaadheen diyaarinta doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya. Ruushka ayaa Warka uu soo saaray wuxuu Dawladda Soomaaliya ugu baaqay inay Somaliland dib u bilowdo Wada-hadalladii hakadku ku yimid ee Somaliland “Waxaan bogaadinaynaa Horumarka Wada-hadalka siyaasasdeed ee u dheexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedyada ee laga gaadhay diyaarinta Doorashooyinka.” Ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay Ergada Dawladda Ruushka u qaabilsan Qaramada Midoobay, kaasi oo intaa ku daray “Waxaanu Dawladda (Soomaaliya) si dhakhsi ah uga rajeynaynaa inay dib u bilowdo Wada-hadalladii Somaliland iyo inay xidhiidh Caadiya la samaysayo Jubbaland…”
Related posts:Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Muuse Biixi Kaddib Farriintii Saxaafadda iyo Qodobada Uu Ka... "Cabaashooyinka Ay Telesom Sheegtay Qaar Baan Goob Joog Ka Ahaa Markii Aan Wasiirka Ahaa Oo Jira”..S... Al-Shabaab Oo Shaacisay Dadka Ay Laayeen Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Tirada Masuuliyiin... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|