Raysal Wasaare Abiy Oo Xilalkii Ka Qaaday Wasiirkii Arimaha Dibada Iyo Taliyayaashii Milatariga Iyo Sirdoonka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaare Abiy Oo Xilalkii Ka Qaaday Wasiirkii Arimaha Dibada Iyo Taliyayaashii Milatariga Iyo Sirdoonka.
November 8, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia ayaa Abiy Axmed ayaa x xilka ka qaaday wasiirkii Arrimaha dibadda, Taliyihii Sirdoonka iyo Taliyihii guud ee Ciidanka Militariga.  Xili xaalada dalka itoobiya ku jirto halis.

Sidoo kale Raysalwasaare Abiye ayaa wuxuu xilalkaasi u Magcaabay Saraakiishan hoos ku xusan.

  1. Demeke Mokenen, Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Dalka, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia, Kana soo jeeda Qowmiyada Amxaarada.

2.Burhanu Jula, Madaxii Howlgalinta Ciidamada Qalabka Sidda ayaa loo Magacaabay, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sidda.

3.Tamasgen Tirahun, Madaxweynihii Deegaanka Amxaarada ayaa loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Haayada Sirdoonka.

4.Taliyihii sirdoonka ayaa isna loo Magacaabay Komishinka Federal Booliska.

COMMENTS
LINKS