Raysal wasaare Abiy Oo Beesha Caalamka Uga Digay In Ay Soo Faro Galiyaan Arimaha Dagaal Ee Ka Socda Dalkiisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal wasaare Abiy Oo Beesha Caalamka Uga Digay In Ay Soo Faro Galiyaan Arimaha Dagaal Ee Ka Socda Dalkiisa.
November 25, 2020 - Written by Editor:

Addis Ababa(W,N)-Itoobiya waxay ugu baaqday beesha caalamka in in ayna isku dayin Tallaabooyin aanan lasoo dhaweeynin oo ah falal sharci darro ah oo ku saabsan faragelinta xaaladda xilli uu isa soo tarayo cadaadis caalami ah oo ku saabsan xabad joojin si gargaar banii’aadanimo loo gaadhsiiyo shacabka ku nool Tigray oo muddo saddex toddobaad ah lagu dul dagaallamayo.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka codsaday beesha caalamka inay u diyaargaroobaan in xaaladda ay faraha lasoo galaan tan iyo inta xukuumadda ay ka codsaneyso in laga caawiyo qalalaasaha haatan ka taagan gobolka Tigray.

Abiy wuxuu sheegay in dalkiisa “uu diiday in lasoo farageliyo arrimaha gudaha” kana codsaday beesha caalamka “Inay qaddariyaan mabaa’diida aasaasiga ah ee dhigayo in la sameyn wax faragelin ah sida ku xusan xeerarka caalamiga ah”

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo walaac beesha caalamka ay ka muujinayaan xaaladda.

“Waxaan carabka ku adkeynayaa in Itoobiya ay leedahay awood isla markaana ay ku rajo weyn tahay inay xaliso xaaladda iyadoo loo marayo sharciga iyo xeerarka caalamiga ah” ayaa lagu bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

COMMENTS
LINKS