Raysal wasaare Abiy Axmed Oo Amray In Weeraro Ismaamulka Tigreega. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal wasaare Abiy Axmed Oo Amray In Weeraro Ismaamulka Tigreega.
November 4, 2020 - Written by Editor:

Addis Ababa(W,N)-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar ku siiyay millatariga dalkiisa in ay gutaan waajibadkooda ah in dalka iyo dadka la badbaadiyo, islamarkana ay tallaabo ka qaadaan gobolka Tigreeda oo ku eedeeyay inay dagaal bilaabeen.

Raysal wasaaraha ayaa xisbiga TPLF ku eedeeyay inay weerareen saldhig millatari oo ku yaalla gobolka.

TPLF ayaa hore waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyriska Corona si uu awoodda u sii hayo maadama waqtigiisu ku ee kaa bisha October.

Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku eedeeysay gooni TPLF inay ka dambeeyeen qulqulutooyinka ka dhacay meelo dalka ka mid ah.

Sida ay sheegtay shirkadda la socodka xorriyadda internet-ka ee Netblocks- waxaa gobolka Tigreeda ka go’an maanta internetka iyo khadka talefoonada.

Bayaanka uu soo saaray rai’sul wasaaraha ayaa waxaa uu ku yidhi “in khadka cas laga tallaabay” islamarkana si dadka iyo dalka loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado,” TPLF.

Horraantii toddobaadkan gudoomiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay maamulka rai’sul wasaare Abiy in ay kala shaqeynayaan dowladda dalka Eritrea si loo diyaariyo weerar gobolka lagu soo qaado.

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sanno markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay 2018.

Balse TPLF ayaa waxay wali ka taliyaan gobolka Tigreeda.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli muddo bilo ah ay sii kordhaysay xiisadda u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Tigreega.

Waxay sidoo kale arrintani ay ku soo beegmaysaa xilli maalintii shalay ahayd 32 qof oo amxaaro ah lagu dilay gobolka Oromiya.

 

COMMENTS
LINKS