Midowga Africa Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka Socda Gobolka Tigreega Ee Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Midowga Africa Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka Socda Gobolka Tigreega Ee Itoobiya.
November 10, 2020 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Midowga Afrika ayaa ku baaqay in xabad joojin looga dhawaaqo gobolka Tigray halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ku dagaallamayay muddo ku dhaw toddobaad.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Itoobiya in wadahadal lagu soo afjaro colaadda.

Wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu diyaar yahay dadaallo kasta oo lagu xallinayo khilaafka.

Warbaahinta dowladda Itoobiya waxay ku warrantay in ciidamada federaalka ay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada waqooyiga dhacda ee Humera iyo sidoo kale waddada aada dhinac xadka Suudaan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay in howgalka militeri uu usii socon doono qaabkii loo qorsheeyey tan iyo inta hub ka dhigis looga sameynayo dagaalyahanada daacadda u ah TPLF.

Axaddii ayay aheyd markii madaxweynaha Tigray Debretsion Gebremichael uu qeylo u diray Midowga Afrika si dagaalka loo joojiyo.

 

 

COMMENTS
LINKS