Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Xukun 5Sano ah, Ganaax Iyo Xayiraad Ku Riday Mulkiilaha Astaan Cable.
November 4, 2020 - Written by Editor:
Hargeysa(W,N)-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwado loo haystay Mulkiilaha Astaan TV Cabdi Manaan Yuusuf.
Mulkiilaha Astaan TV Cabdi Manaan Yuusuf ayay maanta maxkamadu ku xukuntay 5 sanno oo xabsi ah, Sidoo kale waxaa lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo shilinka Somaliland ah.
Dhan kale waxa ay maxkamaddu xayirtay TV-ga Astaan.