Magacyada Dadka Muslimka Ah Ee Wacdaraha Ka Dhigay Doorashadii U Dambaysay Ee Maraykanka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magacyada Dadka Muslimka Ah Ee Wacdaraha Ka Dhigay Doorashadii U Dambaysay Ee Maraykanka!
November 16, 2020 - Written by Editor:

Qaybtii labaad ee warbixin ay shabakadda ‘Middle East Eye’ ee dalka Ingiriisku cinwaan uga dhigtay, “Doorashooyinka Maraykanka 2020: Murashaxiinta Muslimiinta Maraykanka ee taariikhda sameeyey” oo ka warramaysay tiro muslimiinta Maraykanka ka mid ah oo ku guulaystay Kongareeska Maraykanka iyo kuraas badan oo goleyaasha sharcidejinta ee goballada ka mid ah.


Iimaan Jawdah
Doorashada golaha wakiillada ee gobalka Colorado xildhibaannada ku guulaystay waxaa ka mid ah Iimaan Jawdat oo asalkeedu yahay Falastiiniyad. Waxa ay noqonaysaa xildhibaankii ugu horreeyey ee muslim ah ee golaha wakiillada gobalkaas ka mid noqda.
Iimaan Maxamed Jawdah oo ah 38 sano jir ah ka tirsan xisbiga dimuqraaddigu waxa ay cod dhan boqolkiiba 65.86 kaga adkaatay Jovan Melton oo golaha wakiillada ka tirsanaa tan iyo sannadkii 2013 kii.
Iimaan waxa ay magac badan ku dhex leedahay muslimiinta oo ay ka mid tahay dadka ugu cadcad ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqdooda.
Iimaan markii ay guulaystay kaddib waxa ay barteeda twitter ka ku sheegtay in ujeedada is sharraxaadda ku kalliftay ay tahay in riyada Maraykanku ay noqoto mid dadka oo dhami ka faa’iidaystaan. “Waxa aan ku faanayaa in aan ahay Maraykan muslim ah oo asalkeedu ka soo jeedo Falastiin. Waxa aan ku faraxsanahay in fursad la ii siiyey in aan golaha wakiillada ku metelo dadka laga tirada badan yahay iyo guud ahaan muwaadiniinta degmadayda.”
Nidaa Calaam
Nidaa Calaam oo ah 26 jir Muslima ayaa ka mid noqotay xildhibaannada doorashadii toban maalmood ka hor dhacday ku guulaystay golaha gobalka North Coroline. Waxa aanay hore uga tirsanaan jirtay guddidii ol’olaha ee Barnie Sanders oo xisbiga dimuqraaddiga gudihiisa murashaxnimada doorashada kula tartamay madaxweynaha guulaystay ee Joe Biden.


Nidaa Calaam oo hore arrimaha rayidka uga shaqayn jirtay, dadka yaqaannaana ku tilmaamaan in aanay siyaasadda ku biiristeeda xiisayn jirin ayaa mar keliya qaadatay go’aanka ah in ay siyaasiyad noqoto kaddib markii sannadkii 2015 kii la dilay koox saaxiibbadeed ka mid ah oo ahaa Deah Barkaaat, Yusuf Maxamed Abu Salxa iyo Rasaan Maxamed Abu Salxa, bilo yar ka hor qalinjebinteedii jaamcadda. Markaas ayaa ay qaadatay go’aanka ah in ay siyaasadda gasho, maadaama oo ay u aragtay in sababaha dhibaatada lagu hayo muslimiinta Maraykanka in ay ka mid tahay iyaga oo aan siyaasadda saamayn ku lahayn. “Waxa aan arkay sida codka muslimiintu uu u yahay mid aanay cidi maqal ama aan lagu soo qaadin goleyaasha siyaasadda sababtuna ay tahay in aanay wakiillo metela ku lahayn:” ayaa ay tidhi.


Zohran Kwame Mamdani
Waa Maraykan aabihii Yugaandha ka soo jeedo hooyadiina tahay Hindiyada. Waxa uu ku guulaystay xildhibaannimada golaha wakiillada ee gobalka New York. Zohran oo ah muslim 29 sano jir ah oo ka socda xisbiga dimuqraaddiga ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono sidii ay muwaadiniinta gobalku u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah, hoy iyo daryeelka carruurta.
Aabihii waa aqoonyahan agaasime ka ah maxadka cilmi baadhista ee jaamacadda Makerere ee dalka Ugaanda oo magaciisa loo soo gaabiyo MISR, hooyadiina waa filim sameeyey.
Saamba Baaldah
Sambah Baaldah ayaa ku guulaystay ka mid noqoshada golaha wakiillada ee gobalka Wisconsin kaddib markii uu codad boqolkiiba 80 ah kaga adkaaday Samuel Anderson oo ah ninka ay ku tartamayeen kursigan ee xisbiga jamhuuriga ka soo jeeda.
Baaldah waa ma muslim asal ahaan ka so jeeda dalka Gambia, mar uu warbaahinta la hadlayeyna waxa uu sheegay waqtigii ugu badnaa ee yaraantiisii in uu ku qaaday xoolo jirka, isaga oo raaci jiray xoolo uu lahaa aabihii oo reer baadiye ahi.
Guddida ol’olaha Samba oo ka hadlaysay waxa uu qaban doono guusha kaddib ayaa sheegtay marka uu golaha sharcidejinta fadhiisto in uu wax badan ka qaban doono in muwaadiniinta gobalkiisu ay dawladda ka helaan daryeel caafimaad iyo in uu aad uga shaqayn doono arrimaha la xidhiidha isbeddelka cimilada, dhismaha dhaqaalaha gobalka, iyo in dib u habayn iyo wanaajin lagu sameeyo garsoorka.

COMMENTS
LINKS