|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Cafis U Fidiyo Mulkiilaha Telefiishanka ASTAAN
November 14, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu Cafis u fidinayo Mulkiilaha Telefiishanka Astan Cabdimanaan Yuusuf, kaasi oo Saddexdii bilood ee u dambeeyay ku xidhnaa Hargeysa. Ma Jiro War Rasmiya oo ku saabsan Cafiskan, balse ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu uu Toddobaadkii la soo dhaafay la kulmay Xubno ka mid ah Qoyska Mulkiilaha Astaan Cable iyo Waxgarad is-xil-qaamay, kuwaasi oo Madaxweynaha ka dalbaday inuu xorriyaddiisa u soo celiyo Cabdimannaan oo ah Muwaadin u dhashay Dalka Soomaaliya. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynuhu ka aqbalay Codsigaasi, sidaasi darteed waxa la filayaa in Cabdimanaan uu dib xorriyaddiisa u helo, marka uu Madaxweynuhu Cafiska u fidiyo. Cabdimanaan Yuusuf ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waxay laba Toddobaad muddo laga joogo ku xukuntay 3 Sanadood oo xidhig ah, 2 Milyan oo Shilin oo Ganaax ah iyo in la xayiro Telefiishankiisa Astaan, waxaana lagu eedeeyay saddex Qodob oo ay ka mid ahaayeen Basaasnimo iyo in Telefiishankiisu aanu si sharci ah dalka uga shaqaynayn.
Related posts:Daawo:Madaxwaynihii Hore ee Khaatumo Maxamed Yusuf Jamac oo ka Hadlay Heshiiska Dhexmaray Maamulka K... Sababta Dhabta ah Ee Ka Danbaysa Inay Masuuliyiinta Xukuumadu Ku haftaan Si dhiiranaan ahna Uga Hadl... Garyaqaan Mubaarik Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Aan Qodob Sharci Xanbaarsanayn Oo Kazoo Yeedhay Garyaq... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|